Maxkamad Maraykanka oo xukuntay dad Shabaab lagu eedeyay.
Minnesota May 15,2013(SDN)-Maxkamad ku taala wadanka Maraykanka ayaa maalintii Talaada waxa ay xukun min 3-sano ah ku riday labo qof oo rag ah oo ka amba baxay Gobolka Minnesota ee wadankasi Maraykanka si ay ugu biraan Xarakada Al-shabaab.
Cabdi Fitaah Yuusus Ciise iyo Salaax Ismaan Axmed waxa ay soomaliya ay yimaaden sanadii 2007-dii waxana mudo todobaad ah ay ku sugnaayen taba barana ay ku qadanayeen xarun taba bar ah oo taabacsan Xarakada Al-shabab.
Labadani qof ayaa waxa ay qirteen danbiga loo heesto sanadii 2009 kaasi oo ku aadan taagero ay siyeen Xarakada Al-shabab waxana ay wajihi la hayeen xukun min 15-sano ah balse dacwad oogayasha maxkamada ayaa shegay in ay dalbaden in xukuno 6 ilaa 7 sano ah lagu rido midasi oo ay u sababeeyen in ay la shaqeeyen hay,ada FBI Maraykanka oo ay ka saaciden howlaha askarenka koxaha argagexisada ay ka waden Minnesota.
Maraykanka waxa uu hada ugu horeya wadamada lagu maxkamadeyo dadka lala xiririyo in ay taageren Xarakada Al-shabaab oo Maraykanka horey ugu daray liiska waxa uu ugu yeeray argagexisada.