|

Maxkamad ku taalla Puntland oo Xukun Toogasho ah ku riday dad ay ku jiraan Hogaamiyaal ka tirsan Al shabaab

Garoowe Feb 27 2013(SDN)— Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland ayaa waxaa ay xukun ku riday Qaar kamid ah hogaamiyaasha Xarakada Al Shabaab.

Xukunkan dilka ah ayaa waxaa lagu riday Saraakiil uu kamid yahay hogamiyaha Kooxda Shabaab Axmed Cabdi Godane iyo kuwa kale oo badan.

Maxkamadda ayaa sheegtay in hadii deegaanada Puntland lagu arko Axmed Godane uu ku xakuman yahay dil toogasho ah oo aan ka laabasho lahayn.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa xukun ku riday dad badan oo loo soo qabtay tuhun la xiriiray in ay ku lug lahaayeen dilkii Marxuum Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax Gacamey oo lagu dilay Masjid kuyaala magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Go’aanka xukunka ay ugu riday Hogaamiyaha Shabaab maxkamadda Puntland ayaa noqonaya mid soo jiita indhaha shacabka maadaama ay adag tahay in Puntland ay xitaa meel ku sheegto hogaamiyahaas.

SDN-Muqdisho

Comments are closed