|

Maxkamad Ku Taalla Maraykanka Oo Markale Ka Farxisay Kumaan Reer Somaliland ah Oo Ka Dhursugayey Dacwaddii Cali-samatar

Richmond:14-Jan-2014(SDN)-Maxkamad Sare oo ku Taalla Dalka Maraykanka ayaa Madaxweyne-ku-xigeenkii Hore ee Dawladii soomalia Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar ka Diidday Rafcaan uu ka qaatay inaan loo qabsan karin Dacwado ka dhan ah oo Halkaas ka socday muddo Siddeed sanadood ahaa.

 

cali samatarMaxamed Cali Samatar  oo Soomaaliya ka soo noqday madaxweyne ku xigeenkii dowladda Dhexe ee Soomaailya, Ra’iisul wasaare iyo taliyaha guud ee ciidammada Qalabka Sida ayaa sannadkii 2004-tii waxaa  ay muwaadiniin Reer Somaliland ahi ku soo Oogeen  dacwad la xidhiidhay in uu geystay dambiyo bini’aadannimada ka dhan ah,  taasi oo ay qaaday maxkamad Mareykanka ku taalla, gaar ahaan gobolka Virginia.

 

Maxamed Cali Samatar ayaa qaatay racfaan, hase yeeshee Maxkamadda gobolka Virginia ayaa diidday in uu iska difaaci karo arrintaasi, sida lagu qoray maalintii shalay Wakaaladda Wararka AP ee dalka Mareykanka.

 

Maxkamadda ayaan  shaacin in dib loo furayo dacwadda Maxamed Cali Samatar, iyadoo u jeedada ay tahay in uu bixiyo lacag ay maxkamadda ku xukuntay oo gaadheysa 21 Million oo Dollar, si loo siiyo qoysaskii dacwadda u hestay.

 

Warkan ka soo baxay Maxkamadda ku taalla Maraykanka ayaa farxad geliyey Kumanaan qof oo reer           Somaliland ah oo si weyn ugu dhagtaagayey Dacwadda lagu soo oogay Cali Samater, waxana ay sidoo kale Badhaadhe u tahay Tiro kooban oo iyagu muddo dheer dacwaddan soo waday oo Aakhirkii u muuqda kuwa Guulaystay.

 

Maxamed Cali Samatar ayaa ahaa ninka labaad ee ugu awoodda badnaa Maamulkii Dawladdii dhexe ee Somalia, waxana  uu in badan iska diiday inuu lug ku lahaa xasuuqyo iyo Falal bani’aadamka ka dhan ah oo loo  jeediyo Maamulkii uu Awoodda badan ku lahaa.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed