Maxkamad ku taal Mombasa oo Xadhig dheer ku xukuntay Burcad Soomaali ah
Mombasa April 20,2012(SDN)-Maxkamad ku taal magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa xukuno xabsi ah oo dhaadheer ku riday 11 nin oo lagu soo qabqabtay badaha dalkaasi ka din kolkii ay weerareen Markab laga leeyahay dalka Farance.
Burcadan Soomaalida ah ayaa ku ddooday intii maxkamadu socotay in xadhigooda ay ku qaataan xabsiyada Soomaaliya,balse xaakimkii dacwada dhegeysanayay ayaa ku gacan seydha dalbkaasi.
Xaakim Mr S.K. Gacheru ayaase sheegay in xukunkan dheer looga gol leeyahay in ay ku cibri qaatan burcada kale.
Xaakimku waxa uu sheegay in weerarka ay burcadu ku qaaday markabka uu khatartiisa lahaa,xadhigaa dheer ka dibna Burcada dalkooda loo mustaafuriyo.
Burcada ayaa Markabka Nivose weeraray sanadkii 2009kii,balse uma suurto gelin ay ay gacanta ku dhigaan.
Qareenka Buracada Ng’etich Samson ayaa ku dooday bacdamaa aaney Burcadu qabsan markabka isla markaana aaney wax madaxfurasho ah ka qaadan ay tahay in la sii daayo.
Burcadana 11ka ahi waxa ay ku biiri doonaan qaar kale oo fara badan oo ku jira xabsiyada Kenya.
Kenya ayaa bilowdey sanadii 2006dii in ay maxkamadeyso isla markaana xabsiyadeeda dhigto burcad badeeda Soomaalida.
SDN-Mombasa