Maxkamad ku taal Mareykanka oo nin Soomaali ah ku heshay denbi argegixisonimo
Portland Feb 01,2013(SDN)-Nin Soomaali ah oo heysta dhalashada dalka Mareykanka ayaa maxkamadi ku heshay denbi mudo loo hayay oo la xiriira qarax uu damacsanaa in uu fuliyo maalin ay Masiixiyiinta caalamku u dabaal degaan Dhalshadii Nabi Ciise(CS).
Maxamed Cismaan Maxamuud ayaa oo 21 jir ah ayaa saraakiil dhar cad ah oo ka tirsan FBIda ay u dhiibeen walxaha qarxa oo uu la tagat munaasibad lagu qabanayay magaalada Portland oo soo dhaweynayay maalmaha Diiniga ee Christmaska lagu weyneynayay.
Saraakiisha ayaa Maxamed Cusmaan uu u heystay in ay yihiin xagjiriin la abaabulayay qaraxa,ka dibna qabtay kolkuu damcay in uu qaraxa fuliyo.
Bisha soo socota ee May 14keeda,waxaana suurta gala in xabsi daaim uu muteysto.
Qareenada Maxamed ayaa ku andacooday in ciidamada amnigu ay dabin u dhigeen ka dib kolkii ay denbi u hindiseen.
“waanu ka xunahay xukunka,waxaanan ka qaadan doonaa racfaan”sidaa waxa yiri qareenka ay dawlada Mareykanku u qabatay Stephen Wax.
Xeer ilaalinta ayaase ku adkeysaneysa in Maxamed mudaba uu ku socday dhabe aakhirka ku danbeynayay uun colaad.
SDN-Portland
contact@somalidiasporanews.com