|

Maxkamad ku taal Itoobiya oo denbi ku heshay Sarkaal Qaramada Midoobey u Sheqeeya

Adis Ababa June 29,2012(SDN)-Maxkamad ku taal dalka Itoobiya oo dhegeysaneysay dacwad lagu soo oogay Sarkaal QM kala sheqeynayay dhanka Amaanka oo ka hawl galayay degaanka Soomaalida ee dalkaasi.

Dawlada Itoobiya ayaa eedeysanaha ku soo oogtay denbi ay kula xidhiidhineyso jebhada dagaalka kula jirta Itoobiya ee ONLF.

Maxkamada ayaa goaankeeda lagu sheegay in eedeysane Cabduraxmaan Sheekh Xasan uu ku guul dareystay in uu cadeeyo in aanu xiriir la leheyn jabhada ONLF.

Waxa isna dacwad taa la mid ah maxkamadu ku soo oogtay ruux kale oo aan maxkamada ka soo xaadirin oo la yidhaa Shariif Bacido.

Dacwadan lagu helay labad ruux ayaa waxa ay ku muteysan karaan xadhig ilaa tiban sanadood ah.

Ma aha markii u horeysay ee dawlada Itoobiya ay samefaleyaal ah ku eedeyso in ay xiriir la leeyihiin jabhada ku kacsan ee ONLF.

SDN-Adis Ababa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed