|

Maxkamad ku taal dalka Itoobiya oo Toban nin oo argegixiso loo heysto ku riday xukun

Adis Ababa Jan 16,2013(SDN)-Maxkamad ku taal dalka Itoobiya ayaa xukuno kala duwan ku riday toban ruux oo dhawaan loo qabqabtay in ay wadeen qorsheyaal ka dhan ah amaanka.

Sirdoonka Itoobiya ayaa ragan soo qabqabtay hawlgalo dhawr todobaad socday ka dib.

Ragan ayaa lagu eedeeyay in ay ka mid yihiin Al Shabaab ayna damacsanaayeen in ay qaraxyo ka oogaan dalka Itoobiya.

Maxkamada ayaa tobanka nin ku kala riday xadhig u dhexeeyay sadex ilaa labaatan sanadood.

Ragan ayaa la sheegay in ay damacsanayeen in ay Itoobiya ka oogaan dagaal Jihaada oo xeryana ka furtaan.

Raga la qabqabtay ayaa ka kooban Itoobiyaan iyo nin Kiinya u dhashay oo la yidhaa Xasan Jaarso.

Xasan ayaa la sheegay in uu ku soo tababartay dalalka Soomaaliya iyo Kiinya.

Ma aha kolkii u horeysay ee maxkamadaha dalkaasi ay xukuno noocan oo kale ahi ay ku ridaan dad lagu eedeeyay in ay qaraxyo abaabulayeen,waase kolkii u horeysay ee rag Shabaabkalala xiriirinayo xukun lagu rido.

Comments are closed