Maxkamad Ha La Horgeeyo Haddii Dembi Lagu Hayo, Ee Yaanu Saldhigga Cid ugu Xidhnaan Walaalkay
Hargeysa Oct 24,2012(SDN)-Muwaadin reer Soomaaliland ah oo Sweden kayimi oo xabsi Hargeysa ku yaal ku jiray mudo todobaad ah ayaa ehelkiisu qoraal ka soo saareen xaaladiisa.
Qoraal uu ninka xidhan Muuse Jaamac Nuux walaalkii na soo gaadhsiiyay ayaa sidan u qoraa;
“Waxan ka cabanaynaa annagoo ah ehelada Muuse Jaamac Nuux oo muddo toddoba cisho ah ku xidhan Saldhigga Dhexe ee Hargeysa, loogana dhaartay in xataa la arko, isagoo aan ahayn Gacan ku-dhiiggle ama argagixiso, balse u xidhan sida la noo sheegay tuhun ah mala awaal iska ah.
Haddaba, aniga oo ah Maxamad Jaamac Nuux oo ah Muwaadinka Xidhan Walaalkii, waxan halkan ku caddeynayaa, in Walaalkay Muuse uu kasoo laabtay dalka Sweden oo ay reerkiisu deggan yihiin, dalkaas oo uu haysto Sharcigiisa Jinsiyadda sida aad ku aragtaan sawirka Baasaaboorkiisa, balse uu caafimaad ahaan la qabsan waayay Cimiladiisa, kadibna kusoo noqday dalkiisa Hooyo.
Waxanan Aad uga xumahay oo aan diiddanahay sida loola dhaqmay Muddada toddobada maalmood ah ee layskaga haysto Saldhigga iyo sababta loogu gudbin la’yahay Maxkamadda, isla markaana looga hor-joogsaday xuquuqdii uu lahaa oo ay ka mid tahay inuu arko qoyskiisa iyo asxaabtiisaba.
Ma ihi nin Walaalkii ka difaacaya dembi lagu hayo, balse waxa qudha ee igu kellifay inaan arrintan usoo bandhigo Masuuliyiinta ay khuseyso iyo Hay’adaha Xuquuqul Insaankaba waxa ay tahay in wixii eedeyn ah ee loo hayo loo gudbiyo Maxkamadda, balse aanu Walaalkay cid gaar ah ugu xidhnaan Saldhigga inta uu doono, iyadoo uu sharciga dalku dhigayo inaan wax ka badan 48 saacadood oo ah inta laysku duwayo wixii eedeyn ah ee loo hayo qofka la soo xidhay.
Mar kale, waxan Hay’adaha ku shaqo leh oo ay ugu horreeyaan Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Cadaaladda iyo kuwa Xuquuqal insaankaba ka codsanayaa in wixii eedeyn ah ee uu ku xidhan yahay Walaalkay la horgeeyo Maxkamad oo aanu iskaga xidhnaan Saldhigga, maadaama ay sharci darro tahay in qofka layskaga haysto Saldhig Booliis.
Allaa Mahad Leh
Codsade: Maxamed Jaamac Nuux
Hargeysa, Somaliland