|

Maxay Xukuumada Somaliland ka Tidhi Xarunta Hido Dhawr ee Hargaysa laga Furay DAAWO?

Hargaysa 28.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal  ayaa ku dheeraaday muhiimada dhaqanka ee ay Leedahay Xarunta Hido Dhawr ee ay Hindistay Fanaanada Caanka ah ee Sahra Halgan  Hobolada iyo Kooxdeeda dhinaca dhaqanka ah ku bogaadiyay Xaruntan dhaqan ee ay Hargaysa ka furtay.

“waxaanu jecelahay in dad badani idinku daydo, Cawsaskan Quruxda Badan, Dhiilahan, Guryahan Dhoobada ah, Aqal Soomaaligan Kabdaha iyo cawsaska ah, rutnii waxay ina xasuusinaysaa soo jireenkeenii iyo dhaqankeenii hore ee aynu ka soo jeednay, waxayna dawo u noqonaysaa Jiilka Cusub ee maanta joogaa inay idinku daydaan oo ay ogaadaan in dadkoodii hore Awrtaa raran jireen, Lo’daa maali jireen, Deerada iyo Biciidku dhulkooda joogeen, Aqal soomaaligaa la gali jiray, Hiddihii iyo dhaqankeenii suubanaa ayay tusaale u tahay” ayuu yidhi wasiirku.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed