Maxay Xalay Ka Wada hadleen Wasiirada Arrimaha Dibada Somalia iyo Spain oo Kulan ku Yeeshay Magaalada Madrid
Madrid 15.July 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xalay magaalada Madrid kula kulmay dhiggiisa dalka Spain José Manuel García-Margallo.
Beyle ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bogga arrimaha bulshada ee Facebook ku sheegay in dhiggiisa dalka Spain uu kala hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Booqashada wasiirka ee dalka Spian ayaa timid kadib markii casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa dalkaas José Manuel García-Margallo.
Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xilli sii horeysay sheegay in dowladda Spian uu kala hadlayo sidii Soomaaliya ay ugu taageeri laheyd arrimaha ammaanka iyo caafimaadka.
Madrid SDN/QJ
contact@qurbejoog.com