|

Wasaaradda Ganacsiga oo ka hadashay Saamaynta ay Sarriflayaasha ku yeelan karto haddii Adeegyada Zaad iyo E-Dahab laga dhigo Shilinka Somaliland

Hargeysa, 06.July 2015 (SDN/QJ)- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir, ayaa sheegay inkastoo ay dedaal badan muujiyeen inaanay haddana weli si rasmi ah goobaha kala duwan ee Ganacsiga dalka uga wada hirgelin fulinta wax ku baayicidda iyo ku sicir-goosashada lacagta Doollarka ah, isla markaana aan weli loo wada guurin wax ku iibinta Lacagta Shilinka Somaliland.


BASHIIR CABDI XARIIRHase-yeeshee, waxa uu xusay in Meherado badan oo Ganacsi ajiibeen oo ay fuliyeen go’aankii ahaa in Shilinka Somaliland qiimihiisa kor loo qaado oo wax lagu iibiyo, waxase uu sheegay Iskuullada gaarka loo leeyahay oo markii hore Lacagta Doollarka ah ku qaadi jiray Fiiga Ardayda ay ka qaadaan, ay hadda qaar badan oo ka mid ahi ku beddeleen inay ku qaadaan Fiiga Ardayda Shilinka Somaliland. Balse, ay jirto caqabad ah inay ku qaadayaan qiimo ka sarreeya qiimaha Doollarku ka marayo Suuqyada Somaliland, taasna ay rabaan inay si dhaqso ah wax uga qabtaan. Halka uu sheegay in Guddiga arrintan u xil-saaran ee Wasaaradaha Maaliyadaha, Ganacsiga iyo Baanka dhexe ay dib u eegi doonaan Ganacsatada aan fulin go’aankaas.


Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi uu siiyey Telefeshinka Kalsan, Wargeysyada Himilo iyo Saxafi oo shalay Xafiiskiisa Wasaaradda ee magaalada Hargeysa ku booqday, ayaa wax laga weydiiyey halka uu marayo wakhtigan Qorshihii fulintiisa la bilaabay ee ay wadeen Guddi Madaxweynuhu u xil-saaray oo ka koobnaa Wasaaradaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Baanka dhexe, isla markaana lagu doonayey in wax lagaga beddelo isticmaalka wax ku iibinta Doollarka oo Bulshadu la qabatintay wax ku iibintiisa iyo wax ku iibsigiisa.


Waxaanu sheegay in Qorshahaasi ka soo baxay Daraasad ay Khorobo iyo Hay’adaha dawladeed ee dhaqaalaha u xil-saarani sameeyeen sida wax looga qaban karo sicir-bararka iyo qiimaha Doollarka, isla markaana lagu ogaaday in loo baahan yahay in wax laga beddelo arrinta ah wax ku iibinta iyo wax ku iibsiga Doollarka, si qiimo loogu yeelo Lacagta Shilinka Somaliland, isla markaana Qorshahan ay isla qaateen Ganacsatada kala duwan, Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somtel iyo Telesom ee leh adeegyada E-Dahab iyo Zaad, si Mobile-ka loogu isticmaali karo Shilinka Somaliland, qorshahaasna lagu guulaystay intiisa badan.


“Waxa la go’aansaday tallaabada koowaad oo daraasaddii la sameeyey ka soo baxay in loo baahan yahay dhaqdhaqaaqa Shilinka Somaliland in la xoojiyo, waxa caddaatay in dadkeennu inta badan ku macaamilaan Doollarka waxa ay iibsanayaan iyo waxay iibinayaan-ba, oo goob kasta oo caafimaad iyo goob kasta oo waxbarasho iyo ganacsi oo gaar loo leeyahay markaad tagto in adeegyada ay bixinayaan la yidhaahdo Doollar baa wax lagu kala qaadanayaa, oo meel hoose gaadhay in qofka wax yar iibsanayaa dollar diro, Ganacsatadana waa la isla qaatay arrintaas meel-marinteeda.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Ganacsigu.


Wasiir Ku-xigeenku waxa uu sheegay inay qorshaha ugu jirto Guddi ahaan in Mustaqbalka wax ku iibinta Doollarku meesha ka baxdo oo xataa adeegga Shirkadaha Isgaadhsiinta laga dhigo Shilinka Somaliland. Hase-yeeshee, Mar uu Bashiir Cabdi Xariir su’aal aan ka weydiinnay qorshahan Shirkadaha aad isla qaadateen Shirkadaha ee aad sheegtay in mustaqbalka la doonayo in Adeegyada Lacagta Mobilellada lagu kala dirsado ee Zaadka iyo E-Dahabka in laga wada dhigi doono Shilin Somaliland halka immika lacag xaddidan oo Shilinka Somaliland ah lagu kala dirsan karo, miyaanay taasi meesha ka saar?
Waxa uu kaga jawaabay Wasiir Ku-xigeenku su’aashaas oo uu yidhi; “Waxay u baahan tahay saamaynta uu barnaamijkani ku yeelan karo Sarriflayaasha inaynu si gaar ah uga hadalno, oo marna waxaynu ka hadlaynaa badbaado Qaran oo marka immika sicir-barar yimaaddo Sarriflihii, Xaaskiisii iyo noloshii oo dhan bay saamaynaysaa oo qiimihii raashinka iyo adeegga oo dhan baa kacaya. Adduunyada oo dhan Sarriflayaashu way ka jiraan, laakiin waxay Sarriflayaasheenna kaga duwan yihiin Baanka ayay ku xidhan yidhiin, halka ay Sarriflayaasheennu iyagaa qiimaha jara, Ganacsatada waawayn ee aad ka warramaysaa Sarriflayaasha ayey subax kasta qiimaha waydiiyaan. Markaa, markasta Sarriflayaashu way jirayaan hadday meesha ka baxayaanna markuu is-bedbeddalayo qiimuhu ee uu kolna kacayo kolna jabayo ayay meesha ka bixi lahaayeen. Markaa markasta si kasta oo ay dadku Mobile u wada sitaan marka la abuuro Zaad Shilin Somaliland ah markasta haddii Doollar la doonayo iyo haddii Somaliland shilin la doonayaba waa laga iibsanayaa qof weliba midka uu rabo ayuu ku shubanayaa.”


Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka jawaabayey su’aal aan ka weydiinnay sida loo dhaqan geliyey Digreeto Wasaaraddu soo saartay oo ay ku amreen Ganacsatada in Shilinka Somaliland wax lagu kala iibsado halkii Doollarka wax lagu kala gadan jiray oo fulinteedu ka bilaabmaysay 15-ka bishii June ee inna dhaaftay, iyadoo weli Suuqyada Caasimadda iyo magaalooyinka dalka Doollar wax lagu kala iibsado iyo inay wax tallaabo ah ka qaadeen Ganacsatada, waxa uu yidhi; “Horta, Digreetada aannu soo saarnay waxay ka soo baxday tallaabooyinkii Guddiga Qaran ee Madaxweynuhu magacaabay qaadayeen, maannaan odhan Doollarka yaan waxba lagu kala iibsannin, ee waxaannu nidhi waa in Shilinka Somaliland ay Meheradaha Ganacsigu wax ku iibiyaan, halkii ay Doollar uun qaadi jireen.”


“Hawlgalkaas waannu bilawnay, Meheradaha waannu liis-garaynay (diiwaangelinnay) Shirar baannu la galnay, Iskuullada gaarka loo leeyahay waannu liis-garaynay oo waa la shirnay, waxa immika jira qaybo go’aankaas fuliyey oo ku shaqeeyey iyo qaybo aan fulin oo aan ku shaqaynin oo aannu Liiskoodii dib ugu celinnay Guddiga Qaran ee Madaxweynuhu magacaabay oo tallaabada ku habboon laga qaadi doono. Laakiin, hawlgalku wuu bilaabmay, qaybo ka mid ahina way ku shaqeeyeen oo markii hore Iskuulladu waxay diidi jireen inay Lacagta Somaliland ku qaadaan Fiiga Ardayda, oo qofka immika Iskuullada Fiiga Shilin Somaliland ku geeya way ka qaadanayaan.” Sidaa ayuu yidhi Bashiir Cabdi Xariir oo sii watay jawaabta uu su’aashaa sare ka bixiyey.


Guddiga Qaran ee wax-ka-qabashada qiimaha Doollarka, Sicir-bararka iyo kor u qaadista qiimaha Shilinka Somaliland Madaxweynuhu u magacaabay, ayuu Wasiir Ku-xigeenku sheegay inay gacanta ku hayaan tallaabooyinka laga qaadi doono cidda ku dhaqmi wayday go’aankaas Wareegtada lagu soo saaray iyo go’aanka Ganacsatada iyo Guddigu bishii hore isla qaateen, iyagoo tallaabooyinka cidda ku dhaqmi wayda go’aankaas laga qaadayo ay ka mid noqon doonto in Liisanka Ganacsi ay kala noqoto Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland.


Waxa uu sheegay in qiimaha Doollarka in la jebiyo lagu guulaysto la gaadhi karo marka lagu guulaysto in Baanka Somaliland uu gaadho heer uu isagu si buuxda u maamulo Doollarka, isla markaana Ganacsadaha doonaya inay wax dibedda ka soo iibsadaan Baanku Doollar siin karo oo aanay suuqa u doonan karin isagoo qiimaha Baanku ku bixin doonaa ka hoosayn doono, isagoo xusay Wasiir Ku-xigeenka Ganacsigu in qorshahaasna ay Guddigu waddo sidii loo gaadhi lahaa. Waxa kale oo uu sheegay inay Ganacsatada Xoolaha laftooda wadaan qorshe marka ay Xoolaha Sayladaha dalka ka iibsanayaan ku iibsadaan Shilinka Somaliland, isla markaana marka ay dhoofiyaan Xoolaha Lacagta adag ee Doollarka ah ee soo gasha qayb ka mid ah soo mariyaan Baanka dhexe oo loogu beddelo.
Bashiir Cabdi Xariir oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay Ganacsatada Shuruud ku xidhaan ay ku isticmaalaan Baanka dhexe, waxa uu yidhi; “Hadda waannu bilawnay Wasaarad Ganacsi ahaan oo dhammaan dadkii aannu Liisammada Ganacsiga siinnay qoraal baannu u qornay aannu leenahay qofna Liisanka loo cusboonaysiin maayo haddaanu Account (Sanduuq-Xisaabeed) ku lahayn Baanka dhexe, qoraalkaasina wuu naga baxay, Liisammada cusubna Shuruud baannu uga dhignay in qofku Akoon ku leeyahay Baanka dhexe, Bangiguna inuu dib isu habeeyo waa hawl u taalla oo qorsheheeda uu ku jiro, oo uu adeeggii lacagta adag uu sameeyo.”


Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir waxa uu sheegay in Wasaarad ahaan qorshayaal badan iyo hawlo badan oo ay diyaariyeen dhaqaajintooda in caqabado badani ka hor-yimaaddeen oo ay hore u dhaqaaqi waayeen sida kala-xadaynta Ganacsiga iyo kuwo kale. Hase-yeeshee, ay hadda Xeerarka kala-xadaynta, maalgashiga iyo kuwo kale-ba ay diyaariyeen oo ay dhawaan u gudbi doonaan Golayaasha Sharci-dejinta ee Baarlamaanka.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed