Maxay mucaaradka Somaliland u qaadi waayeen tallaabo culus oo ka dhan ah Muuse Biixi
Hargeysa. 3 October, 2022. (QJ)- Madaxda mucaaradka Somaliland ayaa weli wada wada tashiyo sal ballaadhan oo ay kaga jawaabayaan tallaabooyinka muddo dheerayska ah ee xukuumadda Muuse Biixi naawilayso in ay Somaliland kusii haysato.
Dad badan ayaa si waydiinaya maxaa u qarsoon mucaaradka Somaliland ee ay illaa hadda tallaabo culus ugaga jawaabi waayeeen cadaadisyada iyo sharci jabinta Muuse Biixi, balse Qurbejoog oo u kuur gashay ayaa heshay xogaha qaar qancin kara taageerayaasha mucaaradka.
Qodobka ugu muhiimsan ee ay ka duulayaan mucaaradka Somaliland waa in aanu Muuse Biixi dhammaysan weli muddo xileedkiisa dastuuriga ah oo kaga eg 13 Novemer, 2022, iyadoo ay taasi dabrayso tallaabo kasta oo culus oo ay qaadi lahaayeen. Muddo ku siman bil iyo habeeno ayaa inaga xiga wakhtiga madaxweynaha iyadoo mucaaradku ay diideen muddo kordhinta Guurtida.
Wixii ka danbeeya 13 November, 2022, waxay micnaheedu tahay in mucaaradka Somaliland ay qaadayaan tallaabo kasta oo ay kaga hor tagayaan talada Muuse Biixi ee dalka, waxaana qayb ka ah dawladda oo aanay aqoonsan iyo adduunyada oo loo sheego in aan sharciyad jirin isla markaana aanay wax macaamil ah la samayn Muuse Biixi, in shirar eeleedyo la qabto, in dawlad ku meel gaadh ah ay dhisaan iyo in jabhado hubaysan ay dalka ka bilaabmaan iyadoo dad uu ka mid yahay Boqor Buurmadaw ay hore wacad ugu mareen.
Somaliland waxa loo baqayaa masiirkeeda iyadoo dadka siyaasadda Somaliland falanqeeyaa ay sheegeen in aanay weli arag muran xadkan le’eg iyo madaxweyne heerkan oo dhan dhagaha u furaysta.