|

Maxay ku kala duwan Yihiin Meliishaadka Buuhoodle iyo Hargeysa ee weerara Ciidanka Somaliland?

Hargeysa May19,2012(SDN)-Waxa tiraba dhawr jeer weerar jac ku siyay ciidamada Somaliland meliisho beeleedyo reer Somaliland oo diidmo ka muujinaya qaar ka mida xaaladaha jira.

Meliishaadka ayaa xaaladahoodu kala duwan yihiin oo qaarna ay jiritaanka Somaliland ka soo horjeedaa,halka kuwo kalena ay gadoodkoodu ku kooban yahay cadho ka dhalata cadaalad daro.

Hadaba Xukuumada Somaliland ayaa siyaabo kala duwan ula dhaqanta kolka meliishaadka qaar ay gacanta ku dhigto.

Meliishaadka Buuhoodle ee dagaalada ku qaada ciidamada Somaliland ee jiida hore fadhiya ayaa tiraba dhawr jeer laga qabtay tiro ciidan ah,waxaana marar badan la qabtay rag dhaawac ah.

Xukuumada ayaa dheyda meliishaadka la qabqabto,ka dibna dib ugu celisa kooxihii nabadiidanaa oo weli ku sugan goobaha dagaalka.

Mara badana waxaba saxaafadu soo bandhigtay meliishaadkaas oo xukuumada Axmed Siilaanyo ay lacago jicsin ah siiso kooxaha ka soo horjeeda gooni isu taaga Somaliland.

Halka meliisho dhawaan weerar ku qaaday xero ku taal magaalada Hargeysa oo ay sheegeen in ay degaankooda ku soo durkeen dad laga qabqabtay lagu xukumay dil toogasho ah.

Hadaba dadka u kuurgala dhacdooyinka noocana ayaa fajac ka muujiyay habdhaqanka xukuumada ee ku wejahan labadan meliishaad ee labada galay denbiyo isku mida.

Si kastaba ha ahaatee waxa dad badani isweydiinayaan waxa madaxweyne Axmed Siilaanyo ka yeeli doono gooanka dilka ah ee maxkamadu ku ridey 17 ka mid ah meliishaadkii dhawaanta weerartay xerada ciidan ee Hargeysa.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed