|

Maxay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Eritrea

Muqdisho (Qurbejoog)- Dawladaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa kala saxeexday heshiis dhinacyo kala duwan leh, kadib safar uu madaxweynaha Soomaaliya ku tegay magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea.

Intii uu ku sugnaa Eritrea, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh oo uu weheliyo madaxweyne Afwerki, waxa uu booqday ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalkaas muddo saddex sanno ah iyo mashruucyo dhowr ah oo horumarineed oo dalkaas ka socda.

Heshiis ay si wada jir ah qalinka ugu duugeen ayaa u dhignaa sidan:
1- Xoojinta xiriirka labada shacab, oo ay ku jiraan bulshooyinka qurbo-joogta ah.

2- Xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo diblomaasi, si ay u ilaaliyaan sarena ugu qaadaan danahooda qaran.

3- Ballaarinta iskaashiga dhaqaale iyo bulsho ayada oo diiradda la saarayo ganacsiga, maal-gashiga, amniga biyaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

4- Kobcinta wada-shaqeynta dhanka dhaqanka, farshaxanka, dhaq-dhaqaaqyada cayaaraha iyo sidoo kale sayniska iyo teknoolajiyadda.

5- Sare u qaadidda iskaashiga si loo ilaaliyo sarena loogu qaado deegaanka waxna looga qabto musiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurada saf-mareenka ah.

6- Xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo ammaanka.

7. In si wadajir ah loogu dadaalo sidii loo horumarin lahaa xiriirka saaxiibtinimo, iskaashiga iyo isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Comments are closed