|

Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh iyo William Ruto oo Nairobi ku shiray

Nairobi. 14 September, 2022. (QJ)- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya, kadib Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo saarka William Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay madaxweyne William Ruto inay dawaladdiisa ka go’an tahay in ay heshiis buuxa la yeelato dhammaan dalalka Gobolka oo Kenya ka mid tahay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in labada Madaxweyne ay isla qaateen qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal.

Madaxtooyadu waxay xustay  in madaxdu isla garteen in la sii amba-qaado heshiisyada fududeynta socdaalka, dhiirri-gelinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, dagaalka ka dhanka argagixisada, isbeddelka cimilada iyo saboolnimada.

Warka kasoo baxay madatxooyada Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya  saacado kadib markii madaxtooyada dalka Kenya ay sheegtay inay labada madaxweyne kawada hadleen arrimaha amniga iyo ganacsiga Qaadka Miirooga.

 

Comments are closed