Maxay Isla Garteen Madaxweyne Siilaanyo Iyo Waxgaradka Beesha Samaroon ee Tabashada u Jooga Hargeysa?
Hargeysa:Sep,03,2014,(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya Kulamo gooni-gooni ah oo ay wada yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo Wufuud ka mid ah waxgaradka Gobolka Awdal oo Hargeysa ku sugani, waxa La isla lafa-guray Cabashooyinka Dadkaasi ka sheeganayaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa markii ay dhegaysteen Hadalka Odayaasha, waxa ay isla-meel dhigeen in si degddeg ah wax looga qabto tabashada odayaasha, isla-markaana la dedejiyo tallaabada meesha lagaga saarayo dhibka ay dadkaasi tirsanayaan.
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in madaweynaha iyo ku-xigeenkiisu isla garteen in ugu horrayn Guddi wasiirro ah loo saaro arrinta, isla-markaana degdeg loogudo galo turxaan-bixinta tabashada Beeshaas.
Guddida loo saaray Turxaan bixinta tabashada Beesha samaroon, ayaa la sheegay inay ka mid yiyiin wasiirrada wasaaradaha xanaannada Xoolaha, Maaliyadda, Duulista Hawada, Beeraha, Boostada iyo isgaadhsiinta, Gaashaandhigga, waxana labada masuul ay isla garteen in masuuliyiintaasi ay degdejiyaan sidii arrintaas tabashada ah xal looga gaadhi lahaa.
Arrintan ayaa hogaanka dhaqanka ula eg Loox jiid iyo cago jiid uu madaxwayne Siilaanyo ku rabo in uu ku daaliyo waxaase ka go’an madaxdan Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley Ee Gadabuursi in aysan taasi maraynin ayse u adkaysan doonaan wakhti haba ku qaadatee. Dhinaca kale waxay bulshada Galbeedku aad ula yaabeen markii gudidada lagu soo daray Ninka ugu wayn ee Xaqdarada iyo cadaalad darada ugu badan laga tirsanayo ee wasiirka maaliyada C\casiis samaale iyo wasiirka Duulista hawada Maxamud xaashi oo isna Dadka Deegaankaai kaga cawdaan Eex.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com