|

Maxay daaranyihiin digniinaha kooxda alShabaab u dirtay Warbaahinta Soomaalida

Muqdisho. 9 October, 2022. (QJ)- Kooxda Al-Shabaab ayaa si kulul uga hadashay amarkii shalay ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee warbaahinta lagaga mamnuucay iney baahiyaan wararka Shabaab iyo dadka la fikirka ah.

Bayaan ka soo baxay kooxda ayaa digniin adag loogu diray warbaahinta qaadata amarada dowladda, iyagoo sheegay iney si lamid ah dowladda ay ula dagaalamayaan cidii dhaqan gelisa amarkii ka soo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya.

“Waxaan halkan uga digeynaa dhamaan warbaahinta ka shaqeysa gudaha Soomaaliya inay ka qayb qaadato dagaalka ka dhanka ah Shareecada Islaamka. Warbaahin kasta oo si bareer ah ama si dadban ula safata xukuumadda Soomaaliya, waxaan u aqoonsaneynaa inay qayb ka tahay duullaanka” ayaa lagu yidhi warka Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Soomaaliya ayaa xidhay dhammaan Warbaahinta Internet-ka ee Website-yada ay isticmaalaan Al-Shabaab, waxaana sidoo kale khadkii internetka ay ka jartay Xasan Daahir Aweys oo la sheegay inuu si toos ah afkaarta Alshabaab ugu dhex dhaafin jiray baraha bulshada

Go’aan ka soo baxay Wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta XFS ayaa lagu faray Shirkadaha Isgaarsiinta inay ka qeyb qaataan ilaalinta Amniga Qaranka, iyadoo la xiganayo qodobka 66aad ee Sharciga Isgaarsiinta oo ku waajibaya dhammaan shirkadaha shatiga u heysta bixinta Isgaadhsiineed.

Comments are closed