|

Maxay Al-shabaab Ka Tidhi Khilaafka Madaxweynaha Iyo Baarlamaanka Somalia Soo Kala Dhex Galay?

Barawe:May,08,2014(SDN/QJ)-Xarakada Dagaalka kula jirta Dawladda Somalia ayaa Markii ugu horraysay ka Hadashay Khilaafka ka dhex taagan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo haatan gaadhay heer Madaxweynaha Is-casilaad laga Dalbado.

jabalShabaabka ayaa waxay sheegtay in la iska horkeenay Madaxweynaha Dowladda Federalka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo tilmaamtay in ay isku dirkaas wadaan kuwo dano gaar ah leh oo ku dhex adeeganayaa.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inaanu dalka xor ahayn, oo ay isku hayaan dhinacyo shisheeye oo mid waliba dano gaar ah wataa.

Sidoo kale wuxuu sheegay in cadowga uu marka uu doono uu meesha ka saaraayo, ninka ka horyimaada danahiisa, halka uu ku soo bedelo rag kale oo shaqada u qabanaaya. Una daacad ah.

 

Sheekh Cali Jabal, ayaa wuxuu ku cel celiyay in dalka Soomaaliya aanay ka jirin wax Dowlad ahi, uuna ku soo duulay sida uu sheegay cadow, ayna iyagu la dagaalamayaan cadowgaasi dalka qabsaday.

Hadalkan ka soo baxay Cali jabalĀ  ayaa noqonaya mid ay jawaab uga dhigayaan khilaaf meel sare maraya oo dhawaanahan dhex yaallay madaxweyne Xasan Sheekh oo xubno tiro badan oo Baarlamaanka ka tirsan, kuwaas oo madaxweynaha ku eedeeyey inuu xilkiisii gudan waayey, isla-markaana looga Baahan yahay inuu istiqaalad dhiibo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed