Maxay Al-shabaab Ka Tidhi Diyaaraddii Drones-ka Ahayd Oo Kusoo Dhacday Gudaha Somalia?
Burhakaba:May,18,2015(SDN/QJ)-Xoogagga Al-shabaab, ayaa Markii ugu horraysay Ka Hadashay Diyaarad nooca aan Duuliyaha lahayn ah oo kusoo dhacday Gudaha Somalia, waxana ay sheegeen in Diyaaraddaasi jirto, isla-markaana ay gacantooda gashay.
Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa sheegay in Ciidamadooda ay gaadheen goobtii ay diyaaraddu ku soo dhacday, isla-markaana ay la wareegen, sida uu sheegay.
Afhayeenka, ayaa meesha ka saaray in burbur weyn uu diyaaraddu soo gaadhay, marka laga reebo in jug yar ka soo gaadhay, markii ay dhulka ku soo dhacday, isagoo intaa ku daray in kaamirooyin ay ku xidhan yihiin.
Isagoo la hadlaayay Idaacada Andalus oo afka Al Shabaab ku hadasha, ayuu sheegay inaanay weli garanayn halka diyaaradda laga lee yahay, balse ay wadaan baadhitaano amuurtaasi la xidhiidha.
Sidoo kale wuxuu sheegay in goobtii ay diyaaraddu ku soo dhacday ay yimaaden diyaarado kale oo baadi-goobaya, ha yeeshee ay Xoogaga Al Shabaab qariyen in la helo macluumaadka la xidhiidha, halka diyaaradda lagu hayo.
Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa nooca diyaaradaasi ku sheegay kuwa dhexe ee wax basaasa, isla-markaana ay noqoneyso middii labaad oo muddo billo gudahood ay gacanta ku dhigaan. Diyaaradii hore ayuu sheegay inay ku soo dhacday deegaanka Iidaale ee Gobolka Baay, gacantana ay ku hayaan.
Diyaaradaha Drones-ka Mareykanka, ayaa si joogto ah hawlo basaasnimo kaga fuliya Gobolada Koonfurta iyo Badhtamaha Somaliya, waxayna xilliyada qaarkood ay ku beegsadaan Saraakiisha Al Shabaab.
Diyaaraddan oo la filayo in laga lahaa Waddanka Maraykanka, ayaan wali wax faahfaahin laga bixin sida ay kusoo dhacday, balse waxa la filayaa inay dhawaan ay Maraykanku qirtaan arrintaas.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com