|

Maxaweyne Xasan oo sexeexay miisaniyada 2023

Muqdisho December 31, 2022 (QJ) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta saxiixay sharciga miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka oo ay hore u ansixiyeen xildhibaanada BF Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kororka miisaaniyadda ku bogaadiyey Xukuumadda, sidoo kalena boggaadiyey ansixinta miisaniyada Mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Inta badan waxaan jirin qiimeyn miisaniyadeed oo hufan iyo xisaab xir lagu qanci karo oo la mariyo miisanida Soomaalia, dalkina waxa sidaa uu ku muteystay in lagu shaabadeeyo dalka dunida ugu musuqa badan.

Comments are closed