Maxamuud Cabaas:Mareykanku waxa uu kafaalo qaaday in Waahalada aanu Israel lagaleyn ay ku saleysnaan doonaan Xuduudihii 1967kii
Jerusalem July 21,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Falastiin ayaa kulan uu la qaatay Xogahayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka John Kerry ka dib waxa uu sheegay in ay ogolaadeen in dib loo furo wadahadaladii u dhexeeyay Falatiin iyo Israel.
“Keery waxa uu noo xaqiijiyay in ay wadahadaladu noqon doonaan qaar micno inooo sameeyay sababta oo ah waxa laga duulayaa xuduudihii 1967dii” sidaa waxa saxaafada u sheegay madaxweynaha Falastiin Maxmuud Cabaas.
Israel ayaa sanadii 1967dii dagaal ay la gashay carabta waxa ay ku qabsatay dhul faro badan oo falastiiniyiintu leeyihiin.
Si kastaba ha ahaatee waa markii u horeeysay ee Israel iyo Falastiin wadahadalo isugu yimaadaan mudo shan sanadood ah.