|

Maxamed Xaashi oo eeday damaca Kulmiye iyo madaxweyne Siilaanyo cida uu xisbiga la doonayo

Hargeysa Mar 17,2012(SDN)-Xil ka qaadidii Wasiirkii hore ee maaliyada Maxamed Xaashi ayaa xil ka qaadidiisa lagu micneeyay laba arimood oo iska horkeenay masuulkan iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Midi waa ta ka soo horjeedka siyaasada cusub ee arrimaha dibedda ee Somaliland ee ku wejahan ka qeyb galka Shirarka Soomaalida loo qabto iyo wadahadal lala galo dawlada KMG ah ee Soomaaliya.

Ta kale ee haatan soo dedejisay xilka qaadidii Maxamed Xaashi waxa ay aheyd in uu damacay in uu guddoomiye ka noqdo xisbiga Kulmiye.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xilkaas la jecleystay wasiirka cusub ee wasaarada Maaliyada Md Cabdicasiis Samaale.

Cabdicasiis Samaale ayaa hore u shaaciyay hamigiisa siyaasadeed ee ku wejahan xilka dalka u sareeya.

Si kastaba ha ahaatee xilka qaadida Maxamed Xaashi ayaa keentay buuq iyo sawaxan siyaasadeed oo ku wejahan xukuumada Axmed Siilaanyo,taas oo sababi karta culeys siyaasadeed oo caasimada ka soo wejaha iyo burburka xulafadii Klmiye ee Siilaanyo Madaxtooyada ku hubsatay.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed