|

Maxamed Kaahin oo gudoomiyayaasha mucaaradka kulan deg-deg ah ka dalbaday

Hargeysa. 8 August, 2022 (QJ)- Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland ayaa ka dalbaday gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka ee Somaliland in ay iskugu yimaadaan kulan degdeg ah oo ku aadan tafaasiil ay ka bixiyaan dibad baxyada ay ku baaqeen iyo war gelintii ay wasaaradda u gudbiyeen.

Maxamed Kaahin ayaa Faysal Cali Waraabe iyo Xirsi Cali X.Xasan wuxuu ka codsaday in kulankaasi maalinta Salaasada ee berri uu ka qabsoomo xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay in dibad baxyadu sharci darro yihiin, balse waxa soo baxaya xogaha sheegaya in xukuumaddu aqbalayso mudaharaadka kadib abaabul wayn oo ka socda gudaha Somaliland kuwaas oo dibad baxyo lagu dhigayo.

 

Comments are closed