Maxamed Faarax oo markale ku guuleystay Billadda Orodka 5000-kun ee mitir.
Moscow:17-Aug-2013-(SDN)-Magaalada Mosow waxaa xalay taariikh cusub dhigay orodyahan Maxamed Faarax oo dabcan Asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse u orda dalka Biritan kadib markii uu noqday ninkii labaad ee dunida ee ku guulaysta 10-ka kun ee mitir iyo 5-ta kun ee mitir ciyaaraha olombikada iyo kuwa caalamiga ee IAAF.
Mo Farah oo markii uu guuleystay farxad darteed Eebe sujuud ugu mahadnaqaya, ayaa nin dhallinyaro ah oo mustaqbal fiican ku leh ciyaaraha Orodada oo uu in muddo ahba ku soo jirey.
Garoonka xalay uu ku orday ee magaalada Moscow waxaa ku sugnaa Cabdilqaadir Carraale Cumar, Agaasimaha Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya, waxana waraysi ay la yeelatay Idaacadda VOA-du uu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay Guusha Maxamed Faarax, maadaama uu yahay wiil Soomaaliyeed.
Maxamed Faarax oo isaguna la hadlay warbaahinta dunida ayaa sheegay inuu filayey guusha noocan oo kale ah, islamarkaana uu isku dayi doono inuu halkaa kasii ambo qaado Guulaha uu Eebe ku galladay.
Contact@somalidiasporanews.com