Maxamed El Baraadici oo Masar isga Cararay,maxey tahay sababtu?
Qahira Aug 19,2013(SDN)-Madaxweyne ku-xigeenkii dalka Masar ee dhawaanta iscasilay Maxamed El-Baraadici ayaa shalay isaga dhoofay dalka Masar ka dib culeys uga yimi dawlada dalkaasi.
El-Baraadici ayaa kolkii uu ka hor yimi in ciidamada loo adeegsado taageereyaasha xisbiga Ikhwaanka waxa uu iska casilay xilkii madaxweyne ku-xigeenimada.
Talabadaa ka dibna waxa ay dawlada KMG ah ee dalka Masar ayaa iscasilaadiisii ka dib biloowday decaayado ay warbaahinteeda u marineyso El Baraadici.
Maxamed El Baraadici ayaa dib ugu noqday Vienna oo uu hore ugu noolaa intaanu ku biirin siyaasada dalka Masar.
El Baradici ayaa mudadii uu xilka iska casilay ka dib ka maagay in uu saxaafda la hadlo,iminka oo uu Masar ka dhoofay ayaa la filayaa in uu ka warbixiyo dhacdooyinkii u danbeeyay ee dalkaasi la soo dersay.
Ciidamada iyo dawlada Masar ayaa haatan u tafa xeytay in ay cawda u jaraan cid walba oo qorsheyaashooda siyaasadeed ka hor timaada.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com