Maxamed Bowazizi Aabaha Kacdoonka dunida Carabta oo sanad mootan
Tunis Jan 03,2012(qurbejoog.com)-Wiilkii dhalainyarada ahaa ee bilawga u ahaa kacdoonka dunida Carabta ruxay ayaa geeridiisa berito laga xusi doonaa dunida oo idil.
Maxamed Bowazizi oo u dhashay dalka Tunisiya ayaa ka dib cadaadis fara badan cadho isku gubay bilowgii sanadkii ina dhaafay.
Cadaadiska ay dadka danyarta ah ku hayeen ciidamadii ka amar qaadanayay keligii taliyihii Bin Cali ee dalka Tunisiya ka talinayay 23ka sanadood ayaa sababay kacdoonka xukunkii ka tuuray dawlado baadil ahaa oo Carabaha ka talinayay mudo dheer.
Kacdoonada Carabta ayaa weli waxa ay ka socdaan dalalka Masar,Yemen,Baxreen iyo Syria oo gebigood ka tuusaale qaatay gadoodkii Maxamed Bowaziizi.
Qurbejoog-Tunis
contact@somalidiasporanews.com