|

Maxakamad Ku Taala Dalka Masar Oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday Saxafiyiin Ka Tirsan Tv-ga Al-Jazeera Iyo Canabaarayn Caalami Ah Loo Jeediyay Xukunkaas

dulQahira: 23,June,2014(SDN/dulQJ- Saddexd  weriye ayaa maxkamaddu ku heshay dacwado la xidhiidha inay taageerayeen ururkii la mamnuucay ee Akhwaanul Muslimiinka, iyo inya faafinayeen warar been ah, waxaana kiiska suxufiyiintan uu keenay cambaarayn caalami ah.

Saddexda weriye ee la xukumay Isniinta maanta ah ayaa kala ah Peter Greste oo u dhashay dalka Australia, Maxamed Fahmy oo haysta dhalashada Masar iyo Kanada iyo  Baher Maxamed oo u dhashay dlaka Masar oo isgau lagu xukumay saddex sano oo kale oo dheeraad ah dacwad kuwan ka baxsanayd.

Telefiishanka al-Jazeera ayaa mar walba beeninay ay eedahaas lagu soo oogay weriyayaasha u shaqeeya. Ku Simaha Agaasimaha Guud Mostefa Souag ayaa xukunkaas ku tilmaamay mid laga  argagaxo  oo murugo leh waxana uu sheegay in al-Jazeera ay sii wadi doonto ololaha caalmaiga ah ee ay doonayso in lagu sii daay suxufiyiintaas.

Toddobaadkii hore ayaa Masar ay sii daysay suxufi kale oo ka tirsan al-Jazeera oo xabsiga ku jiray 10 bilod isaga oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin. Dacwad oogayaasha ayaa aamray in la sii daayo Cabdullah Elshamy sababo dhinaca caafimaadka ah dartood isaga oo ku jiray cunto ka soomid soo socotay tan iyo bishii bishii kowaad  ee sannadkan.

SDN/QJ-Qahira

daacad@qurbejoog.com

Comments are closed