|

Maxaad u baahantahay in aad ka ogaato maalmaha loo yaqaano Boxing Day ee Premier League

London Dec 25 2012 (SDN)- Boxing Day waxaa si kooban loogu maneyn karaa dhanka mashquulka ciyaaraha marka laga eego Maalmaha lagu nasto fiirsiga Ciyaarha Ingiriiska oo si isdaba joog ah u dhaca marka fasaxa ciida Kirismiska lagu jiro.

Waa maalmo mashquulka Ciiyaaraha kubada cagta Ingiriisku uu gaaro meelaha ugu sareeya waxaana wada kasta oo maagaalooyin ay ka dhisnayihiin kooxaha waaweyn ka mid ah aad ku arkeysaa taageerayaa Jabeysa oo koox koox u taagan kana sheekeysanaya waxii soo dhacay iyo waxa la filan karo.

Taageerayaasha aan firaaqada badan u heli jirin in ay fiirsadaan Ciyaaraha qaar ayaa heliya fursad weyn oo ay ciyaaha ku daawadaan maadaama fasaxa ciida Kirismiska laguda galay.

Waxaa sidoo kale isbadalaya qaab ciyaareedka kooxaha England waqtigan oo kale oo waxa ay kooxkasta dooneysaa in ay badbaado guuldaro soo gaarta maaxaayeelay kumada la ciyaarayo ayaa ah kuwa isku xig xiga.

Intabadan kulamadan oo kale waxaa ka baxsada kooxaha ka badbaada dhawacyada iyo kuwa heysta ciyaartoy badal wanaagsan ah oo ay qaar nasin karaan qaar kalana ay ciyaarsiin karan.

Hada horyaalka England waxaa fooqa sare uga jira Kooxda Manchester United waxaana ku soo xigta Kooxda ay isku Magaalada ka dhisanyihiin ee City dagaalka horyaalka xoogiisu waxa uu yaalaa Manchester inkastoo Chelsea oo 8-gool ku adkaatay todobaadkan aan la dhayalsan Karin.

Marka laga soo tago taageerayaasha jadbeysan iyo sida kooxu isku ceyrsanayaan waxaa jira faa’iidu weyn oo soo galeysa kooxaha iyo Xiriirka maamula kubada cagta England ee FA, taasi oo ah dhaqaalaha ka soo galaya garoomada oo ay ku soo xaadiri doonaan taageerayaal kabadan kuwii hore.

Diyaar garowga Boxing Day waxaa laga dareemi karaa xitaa Magaalada Muqdisho oo ay dhaliyarada daneyaa Ciyaaraha siweyn u hadal hayaan qaar kood oo aan la sheekeystay ayaa ii sheegay in ay farxad tahay in iyagoo qaarkood iskuulada u xiranyihiin ay ku soo aadaan kulamadan Boxing Day.

Waxkastoo ay ahaato kulamada ugu horeysa ee Boxing Day waxaa la ciyaari doonaa bari oo Arbaco ah taariikhduna ay tahay 26-ka December.

SDN-London

Comments are closed