|

Maxaad kala Socotaa sida FIFA lacagaha u kala siiso Kooxaha usoo gudba ciyaaraha kama danbeysta ee Koobka aduunka

Brazilia July 19,2014(SDN/QJ)-Kooxaha ku tartama ciyaaraha aduunka ee kubedda cagta ayaa waxa ay marka hore biwaxa ay marka hore biwaxa ay marka hore bixiyaan kharaash ka qeybgal ah oo ay siiyaan xiriirka kubadda cagta ee FIFA.

 Kooxaha u soo gudbay tartankii kama danbeysta ahaa ee lagu qatay Brazil ayaa waxa ay geb ahaan tood bixiyeen $ 1.5 million.

Kooxaha u soo gudba ciyaaraha Semi finalka ayaa sameeya lacagaha u badan ee tartanka ku baxa oo ay bixiso Fifa.

Kooxdii xulka dalka Jarmalka ee ku guuleystay ciyaartii kama danbeysta aheyd ee tartankii kubadda cagta ee ciyaaraha aduunka ayaa abaal marin u helay $ 35 milliom.

Halka ay ciyaaryahanada sadexdii dal ee u soo gudbay ciyaarihii kama danbeysta aheyd ay kala heleen    $25 Million,$20 million, iyo $18 million.

Xiriirka kubedda cagta ee FIFA ayaa sidoo kale aduun dhan $70 million siisa kooxaha ay u ciyaaraan ciyaaryahanada ka qeyb galaya tartanka ciyaaraha aduunka.

Xiriirka kubedda caalamka ee FIFA ayaa ciyaarihii aduunka ee sanadkan lagu qabtay dalka Brazil ayaa sanadkan uga soo xarootay $575 million,

SDN/QJ-Brazilia

contact@qurbejoog.com

Comments are closed