Maxaad kala socotaa sida ay ku bilowdeen qalelaasaha hareeyay Gollaha Wakiilada Somaliland?
Hargeysa Feb 18,2014(SDN)-Waxa todobaadyadii ina dhaafay Hareeyay Gollaha Wakiilada Soomaaliland qalalaase salka ku hayaa xeer hoosaayada gollaahaasi ee khuseeya doorka ku-xigeenada Wakiilada Somaliland ku yeelanayaan gudoonka iyo xeerarka khuseeyay rididdoda.
Waxaana jira asbaabo loo aaneynayo in ay sal u yihiin ismaandhaafka guddoomiyaha Wakiilada Md Cabdiraxmaan Cirro iyo saaxiibadiisii Madaxtooyada Somaliland.
Sababta ugu muhiimsan ee loo aaneynayo qalaalasaha ayaa ah in xildhibaanada Gollaha Wakiilada ee ku abtirsada Xisbiga Kulmiye ayaa marka laga reebo laba ka mida ay madaxtooyada Somaliland cawdii u jartay.
Waxaaney deeto kula duldheeceen caradii labadii Guddoomiye ku-xigeen ee Gollaha Wakiilada.
Hadii aad u fiirsato haatan ololaha la doonayo in dib loogu soo celiyo meeqaamkii ay Wakiilada ku lahaayeen labada ku-xigeen waxa horboodaya isla mudaneyaashii Wakiilada ee ka codeeyay labada ku-xigeen.
Guddoomiye Cirro oo aaney hogaankiisa ilaa iyo haatan ciriir gelin ayaa khalad ka fahmay taageerada ay mudeneyaasha Wakiiladu u fidiyeen hindihiisii is muujinta ahaa ee uu ku-xigeenadiisa ku laaday.
Hadase waxaa u soo baxay in Gollahani yahay kolba dhanka diyaarka u ah in ay bixiso lacagaha ugu badan ee aaney cid iyo xeer toona ixtiraam u heyn.
Intii madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka dib ugu soo noqdayna waxa muuqata in uu awoodiisa isugu geeyay sidii uu u kasban lahaa kalsoonida mudeneyaasha Kulmiye ee Gollaha Wakiilada ka mida.
Waxaana muuqata in Xukuumadu aaney dhab ahaan dooneyn in ay xilka ka laga xayuubiyo Guddoomiye Cirro,balse ay dooneyso uun in ay muujiso in Gollaha ay awood ku leedahay.
Awoodaasina waa in ay dib uga farto kadinka Madaxtooyada Xildhibaanada mooshin ka macaashka ah ee ka midka ah Gollaha Wakiilada.
Inta mudeneyaasha Gollaha Wakiilada ay dalka xuurtadan ku heystaana qalalaasahan iyo qaar kaleba ka filo.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com