|

Maxaad kala socotaa sababta dhabta ah ee loo xiray Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf Cartan

Hargeysa January 18, 2023 (QJ) – War aanu ka helay magaalada Berbera ayaa noo xaqiijiyay in Sarkaal Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf Cartan loo xiray ka dib kolkii uu ka biyo diiday in uu bixiyo hanti ay leedahay Shirkada DP World ee maamusha Dekedda Berbera.

Sarkaalkan oo uu horey u maagay una qafaashay inanka uu dhalay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ayaa haatan loo heystaa tiro gawaari ah oo sifo sharci daro ah uu ku damcay in uu ku qaato.

Sarkaalka oo ka soo jeeda Bariga Burco isla markaana derejo ahaan iyo khibrad ahaanba ka sareeya Ina Muuse Biixi ayaa xarigiisa waxa loo adeegsaday taliyaha sirdoonka Somaliland oo isagu ka soo jeeda Koonfurta Hargeysa.

Sida ilo wareedyadu noo xaqiijiyeena, DP World ayaa la sheegay in ay ka biyo diiday xariga sargaalka oo lagu hayay aqal Hargeysa ku yaal isla markaana dalbatay in ama la sii daayo ama la maxkamadeeyo.

Waana sababtaa loo soo maleegay eedaha lagu qoslo ee lagu soo oogay haatan.

Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf Cartan oo sumcad ku dhex leh bulshada DP World na ku qanacsan tahay hawlkarnimadiisa ayaa durba ka helay taageero mug leh dhamaan dhinacyada bulshada.

Tilaabooyinka nuucan ah ee muujinaya talada guracan ee qoyska Madaxweynaha mudadiisii dhamaatay November ayaa kolba sii kala kaxeyneysa tageereyaashii huwanta ahaa ee Kulmiye.

Comments are closed