|

Maxaad ka taqaan sida ay reer Hargeysa u fasirteen magaca ciidamda RRU

Hargeysa July 13,2013(SDN)-Dadweynaha reer Hargeysa ayaa ciidamada Amaanka ee RRUda loo yaqaano ee dhawaanta laga hirgeliyay Somaliland magacooda siyaabo kala duwan ku micneeyay.

Dadweynaha reer Hargeysa oo intooda badan aan fahmin waxa ay xuruufta RRU u taagan tahay ayaa micnahooda laba si ukala fasirtay.

Qaar ayaa si majaajilo ku saleysan u fasirtay magaca RRU waxa uu u taagan yahay.

Halka qaar kalena iyaga oo ka duulaya habdhaqankooda guracan waxa ay u saareen magac sawir ka bixinaya hawlgaladooda.

Reer Hargeysa ayaa RRU oo la jaan qaaday uun xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo asaaskeeda u saaray wasiirka ugu hadal heynta badan Somaliland ee Xirsi Xaaji.

Waxaaney u fasirteen xuruufta RRU in ay u dhigan tahay Reer Raage Unit oo ah beesha uu wasiir Xirsi ka soo jeedo.

Halka micnaha qosolka badan ee reer Hargeysa u fasireen xuruufta RRU ay tahay Raga Reeraha udaata.

Si kastaba ha ahaatee mgacyadan iyo qaar kale oo faro badan oo ay reer Somaliland guud ahaan u saareen ciidamada RRUda ayaa ka turjumaya sida aaney ugu qanacsaneyn dhaqanka ciidamadaasi.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed