|

Maxaad ka taqaan Shuruucda xil ka qaadista Shir-Gudoonka Wakiilada

Hargaysa Nov 15,2014 (SDN)- Mudanayaasha Golaha wakiiladda Somaliland ayaa horaantii sanadkan Cod aqlabiyad ah ku Ansixiyey Xeer hoosaad fasiraya sida xilka looga qaadi Shir Guddoonka Golahaasi.

Qoddobka 10aad: Xil-waayida Guddoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa ayaa u qoran sidan:-

1.      Guddoomiyaha Golaha iyo labadiisa ku-xigeen waxay xilka ku waayi karaan arrimaha soo socda:

  • Geeri
  • Istiqaalo qoraal ah oo uu u soo gudbiyo Golaha.
  • Maqnaansho cudur daar la’aan ah oo gaaraya 45 cisho oo isku xigta
  • Ku xad gudub shareecada islaamka, Dastuurka Qaranka, Xeer Hoosaadka Golaha ama shuruucda Qaranka
  • Xilk gudasho la’aan joogta ah
  • Dhimirkiisa oo wax u dhiman (waali, taasoo loo baahan yahay in uu soo cadeeyo guddi dhakhaatiir ah oo la aqoonsan yahay luguna kalsoonyahay
  • Caafimaad daro joogta ah ama awood beelid uusan xilka la gudan Karin, taasoo loo baahan yahay in uu soo codeeyo guddi dhakhaatiir ah, oo la aqoonsan yahay laguna kalsoon yahay
  • Xukun kama danbays ah ay ku riday maxkamadda awood u leh oo uu ku mutaysanaayo xabsi aan ka yaran lix bilood

2.      Mooshinka xil ka qaadista Guddoomiyaha iyo labada ku-xigeen kuna salaysan asbaabaha ku xusan Faqrada 1aad, xarfaheeda c,d,e, waxaa keeni kara xidlhibaano aan tiradoodu ka yarayn saddex meelood meel (1/3) tirada guud ee Golaha. Codka xil ka qaadista wuxuu ku ansaxayaa aqlabiyada saddex meelood laba meel (2/3) ee xubnaha guud ee marka laga reebo xubnaha banaa-naanshahooda la baahiyey.

3.      Soo jeedin Mooshin xil ka qaadis eek u aadan guddoomiyaha/Ku-xigeenadiisa waa inuu ahaadaa mid sababaysan oo ku salaysan sharciga

4.      Mooshin xil ka qaadista waxaa laga doodayaa laguna codaynayaa (3) maalmood gudahood oo maalmo shaqo ah, kamana yaraan 24 saacadood gudahood laga bilaabo taariikhda la keenay Golaha

5.      Haddii Mooshin xil ka qaadis laga keeno Guddoomiyaha Golaha, waxa fadhiga loogu codeynayo hogaaminaya Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ama 2aad kolba kii jooga.

6.      Haddii Guddoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa isku mar kaliya laga keeno mooshin ah xil ka qaadis waxaa la marayaa talaabooyinka soo socda:

 

  • Guddoomiyaha ama ku-xigeenada laga keenay soo jeedinta (Motion) xil ka qaadida waa in laga wareejiyo guddoominta fadhiyada inta ay ka dhamaanayso arrinta la xidhiidha soo codaynta waxaana fadhigan guddoominaya mudanaha ugu da’da weyn. Codayntuna waa Qarsoodi
  • Haddii Guddoomiyaha ama Guddoomiye ku-xigeenadu lumiyaan xilka, si waafaqsan qodobka 10aad ee xeer hoosaadka Golaha, Goluhu waxa uu muddo toddoba maalmood ah gudahood ku dooranayaa Guddoomiye ku-xigeenada cusub

7.      Haddii Guddoomiye ku-xigeenadu (GX/1aad & G/x/2aad) isu sharaxaan xilka Guddoomiyaha markay banaanaato, waa in ay u soo gudbiyaan iscasilaada Guddoomiyaha fadhiga, Goluhuna ka ogolaado.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed