|

Maxaad ka taqaan faa’iidooyinka Dhaqaale iyo Bulsho ee duulimaadyada rayidku u leeyihiin Somaliland?

Warbixin la soo saaray sanadkii 2010kii, waxa lagu sheegay in duulimaadyada diyaaradaha ganacsiga ee aduunku (Commercial Aviation) ay abuureen ku dhowaad 57 Million oo shaqo (si toos ah iyo si dadbanba), waxaana la saadaalinayaa in sanadka 2030ka ay tirada shaqooyinkaasi gaadhi doonaan 82 Million.

Hadii aynu si gooni gooni ah u eegno, Qaarada Africa 6.7 Million oo shaqo ayey diyaaradaha rayidka iyo garoomada ay isticmaalaan abuureen/fududeeyeen, halka Qaarada Europe, ay tiradu tahay 8.7 Million oo shaqo, Qaarada Asia iyo dalalka Pacifica oo la isku darayna ay tahay 24.1 Million oo shaqo.

Haddii aynu eegno dhinaca Jamhuuriyada Somaliland, waxa duulimaadyo rakaab (Passenger flights) ama xamuul (Cargo flights) ku yimaada shirkado diyaaradeed oo kala duwan sida Jubba Airways, Daallo Airlines, African Airways iyo Ethiopian Airlines, kuwaas oo ka diiwaangashan/laga leeyahay dalalka aynu jaarka nahay ee Somalia, Djibouti, Kenya iyo Ethiopia. Badiba diyaaradahani waxay isticmaalaan garoomada waaweyn ee Berbera (BBO) iyo Hargeisa (HGA inkasta oo hadda uu xidhan yahay), waxase ay qaarkood duulimaadyo aan joogto ahayn ku tagaan garoomada kale ee Somaliland sida Burco (BUO) oo kale.

Diyaaradahan rayidku faa’iidooyin badan oo dhaqan, dhaqaale iyo bulsho ayey dadka iyo dalka Somaliland u leeyihiin waxaana ka mid ah shaqo abuurid. Inkasta oo aan tirakoob rasmi ah laga haynin tirada shaqooyinka ay abuureen/fududeeyeen shirkadahan diyaaraduhu, hadana waxaan shaki ku jirin in boqolaal qof ay si toos ah ugu shaqeeyaan shirkadahaas, haday yihiin Maamulayaasha xafiisyada, Xog-hayayaasha, Xisaabiyayaasha, Lacag-hayayaasha, shaqaalaha tigidhada, kuwa diyaarada ka dhex shaqeeya, kuwa ka hawlgala airportka, darawalada gaadiidka shirkadaha, waashmaanada, Nadiifiyayaasha xafiisyada shirkadaha iyo kuwo kale. Intaa waxa dheer, shaqooyin si aan toos ahayn ugu xidhan shirkadaha diyaaradaha sida shaqooyinka ay hayaan Masuuliyiinta iyo shaqaalaha ka tirsan Airportka, Customska, laanta socdaalka, Bankiga, Dab damiska, Xamaaliinta, Nadiifiyayaasha iwm. Intaa waxa dheer oo diyaaradahaa la’aantood aan ganacsigoodu suurtogaleen, shirkadaha ka ganacsada Gaaska diyaaradaha (Jet A) iyo Meheradaha ganacsi ee ku yaala garoomada kuwaas oo dhamaantood shaqadoodu ku xidhan tahay dhaqdhaqaaqa iyo imaatinka diyaaradahan. Intaas oo keliya kuma koobna shaqooyinka ay diyaaraduhu sida aan tooska ahayn u abuuraan balse waxa jira shaqooyin kale oo ku xidhan diyaaaradaha sida gaadiidka kala duwan ee ay shirkaduhu u kireystaan hawl maalmeedkooda.

Shirkadaha diyaaraduhu waxay kaabaan Ganacsiga bulshada isla markaana kobciyaan dhaqaalaha dalka. Shirkadaha diyaaraduhu waxay sanad kastaba qasnada dawlada ku xereeyeen lacag Malaayiin Dollars ah oo khidmad ahaan looga qaado sida Landing-feega iyo navigation charge-ka. Intaa waxa dheer, lacagta cashuurta ah ee laga qaado dadka rakaabka ah ee ka soo dega ama raacaya diyaaradahaas. Sidaa daraadeed, waxaan odhan karaa shirkadaha diyaaraduhu waxay qayb libaax ka qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka iyo bixinta mushaharka shaqaalaha dawlada.

Intaas oo keliya kuma koobna waxtarka diyaaraduhu ay dalka iyo dadkaba u leeyihiin, balse shirkadaha diyaaraduhu waxay ka qayb qaataan yareynta saboolnimada iyaga oo shaqaaleysiiyey boqolaal qof oo masruufa boqolaal qoys kuwaas oo laga yaabo inay ku sii tiirsan yihiin si aan toos ahayn boqolaal qof oo kale.

Shirkadaha diyaaraduhu waxay lacagtooda ka dirtaan ama ku kaydsadaan shirkadaha xawaaladaha taas oo ka qayb qaadanaysa kobcinta ganacsiga xawaaladaha iyo guud ahaanba dhaqalaha dalka. Ku darsoo, Mulkiilayaasha iska leh guryaha xafiisyada u ah shirkadaha diyaaradaha, Shirkadaha isgaadhsiinta, Shirkadaha keena shidaalka ay diyaaraduhu isticmaalaan Jet-A, Hudheeladaha diyaariya cuntada lagu cuno gudaha diyaaradaha (Catering), Hotelada ama Albeerkooyin ay seexdaan dadka socotada ah ee diyaaradaha raacaya ama ka soo dega, dukaamada iibiya qalabka computerada ee lagu isticmaalo xafiisyada diyaaradaha iyo dayactirkooda, Dukaamada iibiya qalabka Xafiisyada iyo Buugaagta, Bacadlayaasha iyo Carwooyinka Dharka iyo Kabaha laga iibsado, Dawaarlayaasha tola direyska shaqaalaha shirkadaha, Kolayada qaadka ee ay la macaamilaan muqayiliinta shaqaalaha ka ah shirkadaha diyaaraduhu, maqaaxiyaha bunka iyo shaaha ee ku xidhan shirkadaha diyaaradaha, intaas iyo ka badaniba waa ganacsiyo ay shirkadaha diyaaraduhu qayb ka yihiin kobcintooda.

Dhinaca xidhiidhka Dibeda haddii aynu eegno, Jamhuuriyada Somaliland, ma aha dal weli haysta ictiraaf caalami ah. Waa dal magaca “Somali” la wadaaga dalka Somaliya ee dagaaladu naafeeyeen, taas oo keenta in shirkadaha ajaanibka ee diyaaraduhu ay ka maagaan tagitaanka Somaliland iyo Somaliyaba. Ku darsoo, dalku malaha gaadiidka xadiidka mara ama tareeno ku xidha dalalka aynu jaarka nahay. Ma jiraan gaadiid dhinaca barriga ama dhulka ah oo u habaysan qaadista rakaabka (Buses/Coaches) kuwaas oo Somaliland ku xidha dalalka jaarka. Mana jiraan gaadiid dhinaca badda ah (ferry) oo dalka ku xidha dalalka badda leh ee aynu jaarka nahay. Sidaa daraadeed, diyaaradahaa la’aantood Somaliland waxa ay noqon lahayd dal ka go`an aduunka intiisa kale (Remote Country), nasiib wanaagse, waxa kaalintaa buuxiyey shirkadaha diyaaradaha kuwaas oo noqday/ahna gaadiidka keliya ee Somaliland ku xidhiidhiya caalamka intiisa kale.

Intaa kuma dhama faa’iidooyinka diyaaraduhu, balse waxay qaybta ugu weyn ka qaataan isku xidhka qoysaska, qaraabada iyo guud ahaanba Qurbajooga iyo Qoljooga (dadka wadanka jooga). Bal qiimee waalidkaa, xaaskaagii/ninkaagii, caruurtaadii, walaalalahaa iyo dhamaan qaraabadaada oo aanad muddo dheer indho saarin oo aad ku booqatay dalkii adiga oo isticmaalaya diyaaradahaa aan soo sheegay. Bal sawiro adiga oo qabow kugu galay dalalka qabow ee Yurub iyo Amerika oo barqo dheer diyaarad kaga degay Berbera International Airport, adiga oo sanka la raacaya neecawda iyo naxariista ka soo dhacaysa dhinaca badda isla markaana jidhkaagu ku raaxaysanayo jawiga diiran ee Berbera. Ma wax loo dhigaa jira, adiga oo kulayl kugu dubtay dalalka aadka u kulul ee carabaha oo subax hore diyaarad kaga degay garoonka Hargeisa International Airport, halkaas oo ay ka dhacayso neecawdii qaboobayd/macaaneyd ee Masalluhu.

Guntii iyo gebogebedii, way badan yihiin faa’idooyinka dhaqaale iyo bulsho ee ay diyaaraduhu u leeyihiin Somaliland, waxase haboonaan lahayd in Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland – oo hadda qabata shaqadii Civil Aviationku- ay daraasad ku sumayso kaalinta ay diyaaraduhu kaga jiraan kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dadkaba, si loo ogaado muhiimada Commercial Aviationku u leeyahay Somaliland.

Waa qalinkii:

Cabdikariim Cali Baarjeex

BA Airline and Airport Management

Bristol, United Kingdom

Baarjeex@hotmail.com

Comments are closed