|

Maxaad ka ogtahay saacadihiii u danbeeyay nolosha Qadafi

Sirta Oct 19,2012(SDN)-Baaritaano ay sameysay Human Rights Wacth ayaa lagu ogaaday saacadihii u danbeeyay noloshii keligii taliyihii Libya Mucamar Al Qadaafi.

Hogaamiyaha Liibiya ayaa maalmihii noloshiisa u danbeeyay waxa uu ku qaatay cabsi,qaboow iyo dunida oo uu ka dhego la’aa.

Human Rights Wacth ayaa qisada saacadihii u danbeeyay ka soo xigatay la-taliyihii dhanka amniga ee Qadaafi Mansour Dhao.

Dhao ayaa sheegay in maalmo badan ay ku qaateen guddaha magaalada Sirte oo ay ku dhuumaaleysanayeen aqalo laga qaxay.

Kolonyada wehelisay Qadaafi ee Sirte ku haray ayaa cunayay maalmaahaas oo idil raashinka looga qaxay aqalada.

Dagaalku kolkuu isa soo taray oo ciidamadii jebhadaha ay ku soo dhawaadeen guddaha magaalada ayay ciidamadii Qadaafi waxa ay ku urureen bartamaha magaalada.

Qadaafi ayaa maamihii u danbeeyay waxa uu dhibaato ku qabay cidlada iyo leydh la’aanta.

“Ma ay jirin wax xiriira oo uu Qadaafi la sameyn jiray dunida,kamana uu warheyn waxa dunida ka jira”ayuu yiri Mansour Dhao.

Qadaafi ayaa maamihii u danbeeyay noloshiisa wakhtiga ku qaadan jiray akhriska Quranka iyo Salaada.

Kolonyada Qadaafi oo ka koobnaa ilaa 25o ruux ayaa goaansaday 20kii October 2011kii in ay ka baxaan magaalada 3da habeenimo.

Balse intii la isku duba ridayay kolnyada ayay saacadu gaadhay 8dii arooryaad,xiligaana waxa dhufeysyadii ku soo noqday ciidamadii jebhadaha.

Dagaal dhacay dabadii,ciidamada cirka ee reer Galbeedka ayaa kolonyadii Qadaafi duqeyn culus u geystay oo gawaaridii ka curyaamiyay.

Waxa la arkayay Qadaafi oo madaxa ka dhiigaya,in yar ka dibna waxa uu gacanta u galay ciidamo ka yimi Misrata oo cadaawad xun u hayay Qadaafi.

Cajalad ka mida kuwa laga duubay dilkii Qadaafi ayaa waxa ka muuqday Toorey dhabarka laga suray,in yar ka dibna waxa Internetka la soo dhigay meydkiisii.

SDN-Sirte

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed