|

Maxaabiista Guantano Bay oo Cuno Joojin Sameeyay,Obama oo ku celiyay in uu xirayo xabsigaasi

Cuba April 30,2013(SDN)-Maxaabiista ku jira xabsiga Guantanamo Bay ee lagu hayo maxaabiista loo heysto falal argegixiso oo intoodii badneyd cunada ka caagay.

Maxaabiista Guantanamo Bay ayaa cuno joojinta bilaabay bishii February haatana waxa socda dedaalo khasab loogu quudinayo maxaabiista.

Maxaabiista ayaa sheegay in ay raashinka uga caageen xadhiga aan dhamaadka leheyn ee ay ku jiraan.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa mar kale ku celiyay in uu doonayo in la xiro xabsiga.

Madaxweynaha ayaa aqalka congresska ku eedeeyay in ay ka dhego adeegeen in la xiro xabsiga.

Hadalka Obama uu ku sheegay in xabsiga lagu xiro ayaa ka dhashay culeys dhinacyo badan uga yimi ka dib kolkii ay soo baxday in maxaabiista raashinka lagu khasbo.

Maxaabiista ayaa haatan si aaney u dhiman khasab lagu quudiyaa si aaney u dhiman.

Hay’adaha caafimaadka ee caalamka oo ay QM iyo kuwa Mareykankuba ka mid yihiin ayaa dhaleeceeyay falka khasab ku quudinta maxaabiistan gadoodsan.

Intii uu furaa xabsigan Guantanamo Bay ayaa waxa gacantooda isku dilay Lix Maxbuus.

Waxaana denbiyada loo heysto lagu helay oo qura sadex ruux.

Xabsiga ayaa waxa haatan lagu hayaa maxaabiis dhan 160 ruux oo boqolkiiba lixdan in ka badani ay raashinka diiday.

SDN-Cuba

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed