“Maxaa Qofka Muslimka ah looga baahan yahay Bisha Ramadaan oo Tobankii Cisho ee u danbeeyay lagu Jiro” Sh.Mustafa Xaaji Ismaaciil DAAWO
Hargaysa 08.July 2015 (SDN/QJ)- Waxaa inoo Bilaabmay Tobankii Cisho ee u danbeeyay ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan Taas oo Fadaa’il iyo Xasanaad badan wadata isla markaana la rabo in Muslimiintu ay ka faa’iidaystaan Nimcooyinkaas iyagoo badinaya Cibaaddada iyo Digriga eebbe.
Sida ay Culimadu Sheegto Waxaa Tobanka danbe ee Ramadaan uu Rabi Cadaabihiisa daran ka xoreeyaa adoomihiisa saalixiinta ah waxaa kale oo ku jira Habeenka Laylatul Qadri oo ka Khayr badan Kun bilood,Hadaba Waxaa Casharkan inoo soo Jeedinaya Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun.