|

Faallo:Maxaa Keenay Wakhtigan Inuu Guddoomiyaha Kulmiye Miciin-Sado Shir-Beeleed? Halkay-Se Iska Shabahaan Shirarkan Iyo Is-Bahaysiyadii La Eeday Ee Ba-Hooyinka U Qaybiyey Beesha Galbeedka Iyo Waqooyiga Hargeysa?

Qofkasta oo wax ka yaqaana taariikhda ay bulshaddani soo mareen marka ugu horaysa ee uu maqlo magaca Shir-beeleed, waxa markaaba Maskaxdiisa ku soo dhacaya ama uu qaadanayaa dareen aan fiicnayn, isla markaana waxa uu xasuusanayaa Cahdi ay dadkani la noolaayeen dhibaatooyin, tabashooyin dhexdooda ah iyo godobo siyaasadeed, waxaanu qofkaasi qirayaa hadii Shir-beeleed meesha soo galo in aanay wada jaanqaadi karaynin Qaranimada la hadhsanayo.

Hadii aynu Sadarkaas hore ku dhaafno Araarta Faalla-deenan maanta, isla markaana aynu dooxno nuxurka aynu uga gol-leenahay Faalladan aynu Ciwaankeeda u dooranay ama u xulanay “Maxaa Keenay Wakhtigan Inuu Guddoomiyaha wakhtigan Kulmiye Miciin-sado Shir-Beeleed? Maxay-se Iska Shabahaan Is-Bahaysiyadii La Eeday Ee Ba-hooyinka U Qaybiyey Beesha Galbeedka Iyo Waqooyiga Hargeysa?”. waxaynu ugu wan-qalaynaa dhaqdhaqaaqyo dalka oo dhan laga wada dareemay, kuwaas oo salka ku hayo loolan ama tartan loogu jiro Guddoomiye-nimada Xisbiga Talada haya ee Kulmiye oo ilaa imika ay damacooda cadeeyeen Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdi Casiis Maxamed Samaale, iyada oo loolankaasina uu horseeday in wakhtigan gudaha Caasimada lagu arko shir-doceedyo ama shir-beeleedyo ninba si uu u yaqaano, kiwaas oo uu ugu horayn curiyey Guddoomiye Muuse Biixi aanu kulamo dhawr ah la yeeshay qaar ka mid ah Jifooyinka hoose ee beesha uu ka soo jeedo ee galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa.

Sidoo kale waxa aan khalad ama dambi noqoynin in la soo bandhigo in ummaddan imikuun cagta saartay tubtii horumarka in lagu celiyo halkii ay ka soo ruqaansatay 23 sano ka hore, taas oo qofkasta oo Cimrigiisu ku simay xasuusan karo sida ay wax walba ahaayeen xiligaas iyo halka ay bulshadani wakhtigan xaadirka ah marayso.

Hadii aynu ku sii siqno dulucda ama Nuxurka Qorma-deenan aynanu ku horayno shir-beeleedka sida Warbaahintuba shaacisay loogu sii gogol xaadhayo shir-doceedyada uu gadh-wadeenka ka yahay Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo uu ilaa inta la ogyahay kulamo kala duwan la yeeshay qayb ka mid ah beeshiisa, isla markaana sida cad uu taageero ku waydiisanayo oo u  muuqda dhabo khaldan oo uu jeexay iyo xagal-daac ku yimid Qaranimada Somaliland.

Sidoo kale Dhaqaaqyadan cusub ee uu Muuse Biixi gadh-wadeenka ka yahay ee ka dhex socda beesha galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa oo dadka u dhuunta daloola siyaasada wadanku ay u arkaan mid dhabarka lagaga jabinayo wada-jirka iyo Qaranimada dadkan, isla markaana lagu kala qaybinayo mar kale sidii dhacday horaantii 90-aadkii in Groups ay noqdaan beesha ay ka soo jeedaan Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo ninka wakhtigan uu loolanka wayni dhexyaalo waa Wasiir Samaale’e.

Dhacdooyinkan dalka ka dhacay 23 sano ka dib markii Jabhadii SNM ay dalka ka xoraysay Taliskii Milatariga ahaa ee shacbigan xasuuqay ee Maxamed Siyaad Barre ee waliba salka ku haya in Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi uu waddo qabiil u maro damaciisa siyaasiga ah ayaa intii u soo joogtay xasuusinaya wakhtiyo iyo xiliyo ay bulshadani soo martay oo sida maanta loo kala qaybinayo loo kala soocay.

Horaantii sanadihii 90-aadkii oo ah wakhti dhaqdhaaqyo badan ay iska shabahaan dhaqaaqyada soo ifbaxay 2013-ka waliba bilihii ugu danbeeyey ee ka socda dalka ayaa waxa lagu xasuustaa talaabooyinkii ay qaadeen qaar ka mid ah Saraakiishii SNM oo iyaga oo dano gaar ah ka leh is-tusay in bulsho kala qaybsan mooyaane dad isku  duuban aan lagu danaysan karin, kuwaas oo saraakiil uu ka mid yahay Guddoomiyaha wakhtigan ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ay beesha galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa ay ka dhex un-keen Bahooyin ama Dallado qabiil salka ku haya oo kala saaraya dadkii xiligii halgankii markii ay Af-wayne la dagaalamayeen isku duubnaa, isla markaana loo kala saarayo in hadba intii isku dan ahi ay is-gaashaan-buuraysato.

Dhinaca kale dhaqdhaqaaqyadaas 90-aadkii oo lala xidhiidhiyo Saraakiishaasi  uu Muuse Biixi ka midka ahaa waxay talaabadii ugu horaysay ee ay qaadaan noqotey inay sameeyaa gaashaan-buur qabiil ku salaysan oo markaa dhinac u saaraysa beel ka mid ah beelaha galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa oo ah Xuseen Abokor, taasi waxay keentey inay markaas iyaguna gaar isku abaabulaan intii kale ee beesha galbeedka iyo Waqooyiga Caasimadu oo ay beesha Gabiley (Jibriil Abokor) gaar u istaagto, isla markaana intii kalena ay isku tagto oo ay samaystaan gaashaan-buur saddexaad oo lagu magacaabo Baho-Sacad oo ay sameeyeen iyadana siyaasiyiin dano gaar ah leh si ay ugu babac dhigaan awooda daladda uu sameeyey Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Arimuhu markay sidaas ahaayeen ee Kooxahaasina ay mid walba gaarkeeda u doobiso, ayey aakhirkii dadkii bislaadeen ayna arkeen inaanay cidna dani ugu jirin kala qaybsanaanta dhexdooda, kuwaas oo gartey inaanay isla jaanqaadi karin Qaranimada ay doonayaan iyo is-xulufaysiga beeluhu, halkaas-na lagu xabaalay dareenkii ay ummadangaliyeen shaqsiyaadka danaha gaarka ah lahaa.

Hadii aynu ku soo dhawaano gunaanadka Faalla-deenan waxa markale 23 sano ka dib Hargeysa laga dareemay dhaqdhaaqyo la nooc ah kuwaa 90-naadkii lagu kala qaybiyey beesha galbeedka iyo waqooyiga Caasimada, kuwaas oo uu markale badka keenay Guddoomiyaha Kulmiye mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo isagu uga faa’idaysanaya Ololihiisa siyaasiga ee ku damacsan yahay inuu noqdo Guddoomiyaha Xisbigaas oo u arko wadadii uu u sii mari lahaa Musharaxa Madaxwaynaha ee Kulmiye,  kaas oo isagu shirar kala duwan maalmo kala duwan Hutelada Crown iyo Guuleed ugu sameeyey Hadhimo-sharafeed waxgarad Jifadiisa ka soo jeeda, halka uu markii labaadna iskugu yeedhay xubno 150 qof ku dhaw oo ka soo kala jeeda Jifadiisa iyo beesha gobolka Gabiley, isla markaana sida ay sheegayaan warar ka ag-dhawi inuu qorshaynayo inuu  jifooyinka kale ee beeshiisa uu shir-docoodyo kale ka codsado.

Sida wararka laga helayo Hadhimo-sharafeeda ugu danbaysay ee doraad uu Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu iskugu yeedhay Hutelka Guuleed ee Magaaladda Hargeysa ayaa la sheegay inay ka soo xaadireen xubno iyagu ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo aan la garanaynin sabab ay uga soo qaybgaleen kulankaas maadaama oo uu ahaa mid Kulmiye u gaar ah, halka isla shirkaas ay xogaha laga helayaa ay tibaaxeen inay ka baxeen xubno ka mid ah Cuqaasha gobolka Gabiley.

Si kasta ha ahaatee dhaqdhaaqyada uu wakhtigan uu dabada ka riixayo Muuse Biixi oo u eeg kuwo kalsooni daro badani ka muuqdaan ayaa waxay ina xasuusinayaan beyd ku jiray Maansadii Ergo ee Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) ee uu curiyey taariikhdu markay ahayd 30/4/1992, kaas oo u muuqda inuu taabanayo xaaladaha taagan maanta, isla markaana tilmaamaya qabiilka iyo qofka ku adeegta shaqsiyadiisa ayaa waxa uu Marxuum Gaariye u dhigay Rabi Naxariistii Jano ha ka waraabiyee sidan:- “Uf’ Qabiilka Anaa Leh; Wuxuun Baa Ku Adeegta Nin Iskii Kartidiisa, Isagoon Cid Ku Tiirsan Isu Taagi Karaynnin;

Una Haysta Ateero Ayaantuu Dambi Geysto Laga Hoos Galo Eedda.

Ayid waad is-xigtaan iyo Idinkaa isku reeriyo, Aqligii Lixdankii

Maanta iib geli maayo. Sidaan aamminsanaynna  Wuxuun baa ehelkii ah,

Abkuu doona ha sheegto’e Dadka kaan af-aqaanee Si wax ii la arkaaya ay

Na midayso ujeeddo.  Waxaan laysku ogayn Ninkii hoos ka unkaana Aftidayda ma haysta oo

Ansax maaha wixiisu”.

Isku soo wada duuboo su’aasha is-waydiinta leh ayaa iyadu ah hadii uu Guddoomiyaha Kulmiye damacsan yahay inuu noqdo Musharaxa Xisbigaas ee doorashadda Madaxtooyada ee soo socota, waa ayo cida dooranaysa Musharaxa Xisbiga?, beeshiisu-se hadii ay u wada codayso ma noqon karaa Musharaxa Madaxwaynaha?, miyaanuse ergooyinka ka soo qaybgalaya shirwaynahaas ee Ceelaayo ilaa Luwyo-cado ka socda miyaanu codkooda u baahnayn?. Su’aashaas jawaabteeda waxaan u daynayaa inta sida fiican u fikirta ee aan cidna jeclaysanaynin!!!!!

Naasir Aadan Maxamed (Nawaa)

Comments are closed