|

Maxaa Keenay In Wasiir Cukuse Oo Saxafi Sheegtaa Uu Qaabkaas Uga Hadlo Madal Guul u ah Somaliland?

Hargeysa:18-Feb-2014(SDN)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse,  oo ka hadlayey shalay Madal abaalmarino lagu Guddoonsiinayey Saxafiyiin Reer Somaliland ah, ayaa ka Baydhay ujeeddada munaasibadda, waxana uu weerar Qaawan ku qaaday Xoghaya Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee Solja oo isagu xafladda Soo Abaabulay.

wanWasiirka ayaa Weerar Qaawan ku qaaday Xoghaye Maxamed Rashiid, waxana uu deedafeeyey Warbixin dheer oo ay ku taxan yihiin Tacaddiyadii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Geysatay  Sanadkii ina Dhaafay oo kaliya iyo Tirada Wariyayaashii La Xidh xidhay iyo Kuwii algu Tacaddiyeyba.

Wasiirka ayaa Xusay inaanay jirin Cid la wadaagta Xohgaha warbixinta uu  soo saaray, isagoo tilmaamay inay ku kooban tahay kaligii oo aanu ururka SOLJA waxba kala soconin.

Haddaba Hadalka Noocan ah  ee Ka Soo Yeedhay Wasiir Cukuse Dayaa  ahaa mid ka Geddisan midkii Raganimada iyo Hal adagynimadu ku Dheehnayd ee Lagu yaqaanay, waxana uu u muuqdaa mid loo soo laqimay oo uu cid gaar ah ku Raalligelinayo.

Hadalka Wasiirka ayaa  laga Dhex arki karayey mid uu  Madaxtooyada kala Yimi oo lagula soo dardaarmay inuu waxba kama jiraan ku tilmaamo Hagardaamooyinka Saxaafadda dalka lagu hayo, maadaama ay madaxtooyadu ogtahay inay Sumcad xumo baahsan oo dhanka saxaafadda ah faraqa ku guntaday intii ay dalka haysatay.

Dhaqankii shalay ee Wasiir Cukuse ayaa u ekaa mid ku qotoma Fikirka iyo Qaabka ay Saxaafadda ula Dhaqmaan Kooxda Haweenka ah ee Madaxtooyada Ka Arrimisa oo uu  wasiirka Laftiisu Dhibaato weyn ku qabo kana shaqaysan kari la’yahay oo carqalado la Daba socda.

Kooxda Haweenka Madaxtoooyadda wax ka soo Qanjiidhiya oo masuul ka ahaa Tacaddiyadii loo Geystay Xarumo Badan oo Warbaahineed  oo ay Universal iyo Hubaal ka mid ahaayeen iyo Dhibaatooyin loo geystay Saxafiyiin badan ayuu sallaan ay  saxaafadda ku salooshaan ka dhigtay wasiir cukuse oo toos iskaga Indha-tiraya Xeerarka iyo dhaqanka suuban ee saxaafadda.

Wasiirka ayaa hadalkan uu shalay jeediyey iyo Weerarkan uu ku qaaday Xoghaye Cukuse ula jeeday inuu Kaliya Raalligeliyo Kooxdan Haweenka ah ee Madaxtooyada Joogta, kuwaas oo  culayska Saara in Hab anshaxa iyo Dawladnimada ka Baxsan loola Dhaqmo cidkasta oo  wax ka sheegta Doonida u shiraacan.

Wasiir cukuse oo markii hore saxaafaddu u Han weynayd ayaa Haatan Astaan Muuqata u noqday Tacaddi iyo Hagardaamooyin  Tiro dhaafay oo Loo geystay Wariyayaal iyo Xarumo Warbaahineed oo Gardarro lagu xidhay.

Taariikhda Ma Guurtada ah ayaa wasiirkan Haatan Warfaafinta jooga u sajashay Dhibaatooyin Tiro Dhaaf ah oo uu saxaafadda Ka Galay, kuwaa soo qaar ka mid ah uu isaguba ka Shallaayayo Haatan.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed