|

Maxaa ka soo Baxay Shirkii 7aad ee Mucaawimooyinka Somaliland ee New Deal SAWIRO

Hargaysa 05.Nov 2014 (SDN/QJ)- Waxa Huteel Ambasodor Lagu soo gabagabeeyey shirka 7AAD  isu-duwida Mucaawinooyinka Somaliland,Shirkan oo isu keenay dawladda Somaliland, ururada bulshada iyo deeq bixiyayaasha waa mid u dhexeeyey dhinacyada iska kaashaday mashruucan wadajirka ah.

Shirka waxaana si rasmiya u furay . Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo khudbad dhinacyo badan taabanysa ka jeedkiye  Waa markii labaad ee isla sannadka 2014 ee dhammaan dhinacyadu kulmaan si ay u gorfeeyaan baahiyaha horumarineed iyo iskaashiga  u dhexeeya Somaliland iyo bulshada caalamka. Wada hadalku waxa uu diiradda saarayay horumarka Somaliland ka samaysay hirgelinta hesshiiska New Deal, gaar ahaanna caawimada gaarka ah ee Somaliland. Kasoo qayb galayaasha waxa la siiyay warbixinno dhamaystiran oo ku saabsan tallaabooyinka la qaaday si loo hirgeliyo waxyaalaha ugu mudan oo ay ku  jiraan dhinacyada siyaasad loo dhanyahay, xasilloonida, caddaaladda, daadejinta maamulka, koboca dhaqaalaha, abuuridda dakhliga iyo bixinta adeegyada.

 

Waxyaabaha muhiimka ah ee ka soo baxay shirkan waxa ka mida muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo isticmaalka nidaamyo ay leedahay hormoodna ka tahay Somaliland si loo dhiso awoodaha hay’adaha dawladda.Sidoo kalena waxay xuseen fursadaha bannaan ee mashaariic isbeddelo ballaadhan  keenaya oo laga bilaabo Somaliland. Waxa kale oo ay soo dhoweeyeen horumarka laga gaadhay aasaasidda nidaam lagu daba galo laguna qiimeeyo Habka Caawimada Somaliland ee gaarka ah iyaga oo isla qaatay in la xoojiyo isku xidhka waaxyaha taas oo muhiim u ah in ay sii socoto taageerada la siinayo Somaliland.

 

Dhammaan kasoo qayb galayaashu waxay ka warrameen sida ay ugu heelan yihiin in kulanka Isku duwidda Mucaawimooyinka Somaliland uu noqdo madal lagu gorfeeyo la iskuna afgarto  sidii taageero xooggan oo sii socota loo siin lahaa yoolka iyo himilooyinka horumarineed ee Somaliland.

 

Madaxda kale ee shirka guddoominaysay ee UK iyo Denmark, ayaa iyaguna yidhi sidatan: “Somaliland iyo deeq bixiyayaasha labaduba waxay u heelan yihiin hirgelinta heshiiska cusub (New Deal) kaas oo ay saldhig u tahay  iskaashi iyo isla xisaabtan. Sidaas darted, ka deeq bixiyeyaal ahaan waxanu bixinaynaa deeqo ay ka mid yihiin Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), Maalgelinta uu wado Bangiga Adduunka, iyada oo dawladdana laga rabo inay abuurto jawigii lagu xakamaynayay taas oo loo marayo samaynta sharciyo muhiimah sida xeerarka lagu maamulayo maaliyadda dawladda,waana lafdhabarta ballanqaadka wadajirka ah ee ku saabsan horumarinta maamulka maaliyadda Somaliland.

DSC_0257 DSC_0262 DSC_0278 DSC_0281 DSC_0284 DSC_0291 DSC_0307 DSC_0341 DSC_0342 DSC_0345 DSC_0349 DSC_0359 DSC_0365 DSC_0370 DSC_0371 DSC_0374 DSC_0376 DSC_0377 DSC_0380 DSC_0383 DSC_0392 DSC_0404 DSC_0405 DSC_0408 DSC_0412 DSC_0419 DSC_0428 DSC_0433 DSC_0436 DSC_0442 DSC_0450

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed