Maxaa ka soo Baxay Gudidii uu Madaxweyne Siilaanyo u Saaray Daraasadaynta Tabashadii Madax dhaqameedka Awdal DAAWO?
Hargaysa 30.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ahna Guddoomiyha Gudiga qiimayta tabashada Madaxdhaqameedka Awdal uu u saaray Madaxwynaha Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami,ayaa sheegay in guddigoodu ay yeesheen todoba kulan isla markaana ay jiraan waxyaabo u qabsoomay iy daraasado ay sameeyeen isla markaana arrintii loo xil-saaray ay meel fiican u marayso.
Wasiir Axmed Xaaji Cali Caddami, waxa uu sheegay inay markii horeba seegtay inay warbaahinta u soo bandhigaan Kulamadoodii u horeeyay si meesha uu uga baxo warka ah inaanay wali talaabo qaadin.
Wasiir Caddami waxa uu rajo ka muujiyay is afgarad dhex mara Madaxweynaha iyo madaxdhaqameedka Awdal.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com