|

Maxaa ka Soo Baxay Diiwaangelintii Tijaabada ahayd ee Hargaysa iyo Baki ka Dhacday

Hargaysa 25.June 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Guddiga Diiwaan galinta  codbixiyeyaasha ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka  Raabbi Cabdi Xariir,ayaa ka war bixiyay diiwaan gelin tijaabo ah oo ay ka sameeyeen degmadda Baki,waxaanu tilmaamay  in ay sameeyeen diiwaan gelin tijaabo ah oo ay ka qaadeen 300  oo qof taas oo ay laba maalmood wadeen.

guddomiyaha-gudiga-diiwaan-galinta-300x288Raabbi Cabdi Xariir waxaa kale oo uu sheegay in qalabka ay doorkan ku samaynayaan diiwaan gelinta ee ay u doorteen in codbixiyeyaasha lagu diiwaan geliyaa in uu ka sugan yahay kii hore isla markaana uu yahay qalab hannaan fiican oo aan lagu noq noqon karayn sahlayana in la qabto qofka isku daya  in uu laba goor iyo ka badan codeeyo. Guddoomiyaha

Guddiga Diiwaan  galinta codbixiyeyaasha ee Guddiga Doorashooyinka waxaa uu sidaa ku sheegay  waraysi gaar ah oo uu   siiyay Wargeyska Dawan   Guddoomiye Raabbi oo  ka soo laabtay degmada Baki oo uu ugu maqnaa hawsha  diiwaan gelinta tijaabada ah oo aannu ugu horrayn wax ka weydiinay sida ay ugu soo qabsoontay,ayaa ku jawaabay. “Waxaan maanta (shalay) aanu ka soo noqonay degmadda Baki halkaas oo aan ka wadnay diiwaan gelin tijaabo ah taas oo looga gudbi doono diiwaan gelinta rasmiga ah,waxaanu diiwaan gelinay dad gaadhaya sadex boqol oo qof labadii maalmood ee hore,markaa ka dibna waxaanu samanay 300 ee qof laba boqol oo  ka mid ah ayaanu ku nidhi ku soo noq noqda, waxaanay ahayd ku noq noqasho aanu ognahay inta ay leeg tahay laakiin aanu  ka doonayno in aanu ku ogaanno qalabku sida uu u qabanayo,qalabka aanu isticmaalaynaa waxaa weeye qalabka qaada wiilka isha halka aan berrigii hore isticmaalaynay  nooca wajiga iyo faraha laakiin waxaa ka sugan oo ka aaminaad fiican qalabka qaada isha gudaheeda oo ah ka aanu imika tijaabada ku qaadayno wiilka ishuna wuu ka sugan yahay mid kasta oo kale qaladka gali karaana  waa wax boqolkiiba hal ka yar.”

 

Guddoomiyaha Gudiga Diiwaan Galinta Codbixiyeyaasha Komishanka Doorashooyinka oo la weydiiyay  in diiwaan gelinta tijaabada ah ee ay qaadeen tahay mid lagu qaadi karo diiwaan gelinta codbixiyeyaasha oo rasmi ah iyo illaa hadda inta meelood ee ay ka sameeyeen iyo waxa uga soo baxay,waxaanu yidhi  “In dalka si rasmi loogu galo diiwaan galinta codbixiyeyaasha waxay ku xidhan tahay marka  aanu eegno sida uu u shaqaynayo iyo dadkii aanu ku cel-celinay sida uu u soo saarayo,annaga (Guddiga Doorashooyinka Qaranka) u jeedadayadu waxaa weeye in dalka ay ka qabsoonto diiwaan gelin xor ah oo xalaal ah oo aan lagu noq noqon oo uu qof kasta oo gaadhay in uu codkiisa dhiibtaa hal mar codeeyo,taana waxaan xaqiijinaynaa marka aanu dib u eegno diiwaan  gelintii tijaabada ahayd ee aanu samaynay,waxaanu ka samaynay diiwaan gelinta tijaabada ah degmada Baki iyo Hargeysa markaa Baki waanu soo geba gabo-gabeynay, Hargeysana wali way socotaa,waxaanan ku rejo weyn nahay in ay natiijo wanaagsani nooga soo baxdo.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Diiwaan galinta Codbixiyeyaasha Komishanka  Doorashooyinku.

 

Waxa kale oo aannu wax ka weydiinay  halka ay marayso diiwaan gelinta muwaadiniinta Somaliland oo muhiimad gaar ah u leh diiwaan galinta codbixiyeyaasha,waxaanu yidhi “Annagu(Guddiga Doorashooyinka) waxaanu wadnay diiwaan gelinta codbixiyeyaasha, diiwaan galinta muwaadiniintana waxaa hawshooda wadda Wasaaradda Arrimaha Gudaha,haddii ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku dhamayso diiwaan gelinta muwaadiniinta oo uu qofku noola yimaaddo kaadhka jinsiyada waanu diiwaan galinaynaa,haddii kale oo aanay ka gaadhsiin waxaa goob kasta jooga oo ku sugan masuul ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qofka hubinaya in uu yahay muwaadin ka dibna diiwaan gelintiisa soo gudbinaya sidaas ayaana lagu diiwaan galinayaa.” Ugu dambayn waxaanu weydiinnay Raabi  sida lagu ogaan karo qofka dhawr goobood doonaya in uu iska diiwaan galiyo si u hadhaw dhawr goor u codeeyo iyo in ay jiraan wax tallaabo ah oo laga qaadayo,waxaanu ku jawaabay.

“Waxaa lagu ogaanayaa waxaa qabanaya qalabkan oo soo saaraya sawirkiisa iyo wiilka ishiisa isla markaana sheegaya goobta kale ee uu iska diiwaan geliyay lambarkeeda iyo saacaddii uu is diiwaan geliyay taasi waa ta lagu ogaanayo,waxaa kale oo jirta ciqaab uu mudan doono qofka isku daya in uu laba goor is diiwaan galiyo xeerka lagu ciqaabayona waanu dhamaynay waxaanan u gudbinynaa dhawaan golayaasha sharci dejinta.”

Comments are closed