Maxaa ka jira in Somaliland wax ka sii ogeyd Duullaanka Sucuudiga ee Yemen? Warbixin.
Paris, 23 April, 2015 (SDN/QJ)- Somaliland ayaa la sheegay inay noqon doonto fadhiisin laga hago hawlgallada xulafada dalka Sacuudigu horkacayo ee dagaalka cagga cirka ah ku haya malleeshiyaadka Xuutiyiinta ee gacanta ku haya inta badan dalka Yemen, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska Stratfor Arrimaha Sirdoonka caalamka wax ka qora.
Warbixin lagu faaqiday qorshaha ka dambeeya isbahaysiga dalka Sacuudigu u diyaarinayo inay weeraro ku qaadaan dagaalyahanada dalka Yemen, ayaa lagu bilaabay: “Wadamo badan oo mowqif ka qaatay dagaalada dalka Yemen ayaa bedelay maskaxdooda, si ay ula jaanqaadaan kala qeybsanka Sunniga iyo shiicada, waxay ku baaqayaan xabadjoojin ama xal siyaasadeed in laga gaadho.
Wasaarada gaashaandhiga Maraykanka ayaa la sheegay inay diyaarinayso qorshe ciidamo carbeed sida ururka NATO ee reer Yurub loo abuuri lahaa, si ay ciidamadooda Bariga dhexe iyo Woqooyiga Afrika ugu wareejiyaan Bariga fog iyo Shiinaha.
Hay’adda Pentagon ayaa u aragta in ciidamada carbeed oo ka kooban wadammadda khaliijka hoggaankooda loo dhiibo dalka sarkaal sare oo u dhashay dalka Israa’iil, qorshanna waxa la sheegayaa inuu soo diyaariyey dalka Ingiriiska oo la kaashanaya maxmiyadoodii hore Somaliland.
Xukuumadda Riyadh ayaa qorshaynaysa inay hawlgalkan isugu keento wadammo badan, kuna guulaystay inay ku soo darto Masar, oo ku aqbalay maalgashi gaadhaya 12 bilyan oo loo ballanqaaday,” sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta.
Sida lagu xusay Warbixinta Wargeyska Stratfor, fadhiisinka hawlgalka Sacuudigu horkacayo ayaa la sheegay inaanu noqon doonin Sucuudiga, balse laga dhigi doono gudaha Somaliland, taas oo u muuqata inay noqto magaalo-xeebeedda Berbera.
“Jananada ciidamada ee wadamadda ku jira ururka Jaamacada Carabta dhayaa manta kulan ka yeelan doona qorshaha ay u diyaariyeen hawlgalkan, halka wadamadda Masar, Kuwait iyo Marooko la sheegay inay diyaarin doonaan warbixinaha ugu horeeya bilowga bisha July,” ayaa lagu sheegay xogaha wargeysku baahiyey.
Dhinaca kale, inkasta oo marar hore loo sheegay in hawlgalka Sacuudigu horkacayo ee ka dhanka ah dagaalyahanada Xuutiyiinta lagaga duuli doono fadhiisimo ay isbahaysigu ka samaystaan magaalada Berbera, haddana xukuumadda Somaliland, ayaa qorshahaas horjoogsatay isla markaana ku gacan saydhay haddii aan lagala tashan, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in waddanka Sucuudigu rabitaankiisa Hawada iyo Badda Somaliland uu u maray xukuumadda Muqdisho. Balse ilaa immika lama oga wax xidhiidh ah oo dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo isbahaysiga Sucuudiga.
Qalalaasaha ka taagan waddanka Yemen, ayaa saamayn taban oo xagga dhaqaalaha ah ku yeeshay Somaliland, iyada oo meesha ay ka baxeen ama dhaawac culus soo gaadhay xidhiidh ganacsi oo u dhexeeyay Somaliland iyo Yemen. Sidoo kale, Qaxoonti tiro badan oo isugu jira Yemeniyiin iyo Soomaali ka soo qaxay dagaallada ka socda dalkaas oo Maraakiib iyo Doonyo ku qaxaya, ayaa soo gaadhay dekedda Berbera, kuwaas oo qaybo badan oo ka mid ahi qaxoonti ku yihiin magaalada Berbera oo looga asteeyey goobo hoy u noqda.
Paris SDN/QJ