|

Maxaa ka jira in Madaxweyne Siilaanyo wax ka badalay hankiisii musharaxnimo ee doorashada madaxtooyada(FAALO)

Hargeysa Dec 29,2014(SDN/QJ)-Waxa aan ka warqabnay in madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu siyaabo isburinaya ugu dhawaaqay in uu u tartami doono doorashada madaxtooyada ee 2015 ka June

islamarkaana uu isagu yahay musharraxa xisbiga Kulmiye

Haddaba waxa maalmihii u dambeeyay soo ifbaxayay beel ka mid ah beelaha Somaliland oo uu soo dhexgalay muran weyn oo salka ku haya soo xulashada murashaxa madaxweyne ee xisbiga kulmiye ee doorashada soo socota.

Arrintan ayaa keentay in inuu soo laba kacleeyo khilaaf mudo soo jiitamay iyo in siyaasiyiinta beeshaas ee hankooda shaaca ka qaaday loolan weyn ay ka bilaabaan beesha dhexdeeda. Waxana aan xusi karnaa Siyaasiyiinta hirdanku u dhexeeyo Muj. Muuse Biixi Cabdi Gud. Xisbiga Kulmiye, md. C/casiis Samaale wasiirka maaliyada iyo md. Maxamed Biixi Yoonis wasiirka arrimaha dibada SL.

Khabarkan jadiidka ah ayaa u eg in madaxweynuhu hunguri ka haynin inuu sii xijisto booska Isla markaana uu meelo badan wax ka eegay sidaasi darteedna uu isku qanciyay inuu tallaabadan qaato.

 

Haddaba dad badan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay halka uu salka ku hayo isrogroga madaxweynaha.

Dad ayaa qaba in madexweyne Siilaanyo markii uu meelo badan wax ka eegay oo uu ogaaday dardarta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo u muuqda inuu guulo wax ku ool ah ka soo hoyn karo doorasho xor ah oo dalka ka qabsoonta. Iyadoo ay intaasi dheer tahay in uu madaxweynuhu garowsaday taageerada beeshan oo cod mug leh ku lahaa guushii uu gaadhacay doorashadii uu kursiga ku fuulay haatanna ay u digo-rogteen xisbiyada mucaaridka ah gaar ahaan xisbiga Wadanni. Taas ataana keentay inuu qaato go’ankan cusub.

Kuwo kale ayaa aaminsan in uu madaxweynuhu tahli kari waayay doorasho dambe oo uu isu soo taago sababo badan awgood kuwaas oo ay ka mid noqon karaan. Kalsoonidii shacbigu u hayeen maamulka talada haya oo haatan u muuqata mid gabaabsi ah

halka ay qaar kalena qabaan in uu madaxweynuhu quudarreynayo mudo kordhin loo sameeyo marka ay mudadiisu dhammaato intaa kadibna uu isaguna caleema saaro musharaxa lasoo qoondeeyo.

Si kastaba ha ahaatee waxa la filayaa in uu madaxweynuhu badalay go’aankiisii hore ee ahaa musharaxnimada Kulmiye ee aan wada xasuusano inuu sabab u ahaa khilaafkii iyo buuqii kala irdheeyay xisbiga talada haya ee kulmiye iyo asxaab waayo adag ka soo wada doogay.

Xaaladan siyaasadeed ee soo korodhay ayaa maalmihii ugu dambeeyay aad looga hadal hayaa goobaha ay dadku ku kulmaan Taas oo ay dadku isweydiinayaan halka uu saldhigan doono muranka soo kordhay.

Wareysiyo iyo macluumaad amuurtan ku saabsan oo ay shabakada somalidiasporanews la yeelatay siyaasiyiin iyo aqoonyahano caan ah ayaan si degdeg ah idiinku soo gudbin doonaa insha alah.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed