|

“maxaa anaga noo geynaya cashuurta dadka, tu ka badan ayaanu haynaa oo Waliba ay Rag Reer Hargeysa ahi ku soo Xareeyeene, haddii aad dadkii hayso lacagna…….” Jaamac Shabeel

Hargeysa:May,02,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa ka Gees iskaga duwan eedo uga yimi  xisbigiisa Axsaabta mucaaridka oo  dhaliilo ugu soo jeediyey Qaabkii uu u dhacay Shirweynihii dhawaan gebogeboobay ee Kulmiye.

SHABEEL Jaamac ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in shirweynaha xisbiga Kulmiye ahaa mid beeleed, isla-markaana loo isticmaalay Hantida umadda.

Guddoomiye Jaamac oo u warramayey qaar ka mid ah waraabinta Somaliland, ayaa  eedahaas deedafeeyey, isagoo mucaaridka ugu baaqay inay  shacabkan kulmiye Daba yaacaya sidii ay u kasban lahaayeen falawgeed qabtaan, Isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi,

 “Xisbiyada Mucaaridka ah Daad ayaa qaaday xumbadan ay isku qaadayaanna waxba tari mayso, dhamaan Umaddii Somaliland oo dhanna halkan ayaanu ku soo xaraynay, waxba tari mayso waa shir beeleed iyo waxani, war baanay haynine laba saacadood ayey rag reer Hargeysa ahi ku soo xareeyeen weliba reer Hargeysa ahi, maxaannu ku falaynaa qasnadda dawladda dad ayaanu haysannaaye, haddii aad dad haysatana lacag waad haysaa oo waayi maysid, taasna ma awoodaan Xisbiyada mucaaridka ahi.”

Jaamac Shabeel oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi raaciyey “Tan ay leeyihiin waxba lama doorraana, dadkii kunka iyo dheeraadka ahaa ee meesha fadhiyey cod buuxa ayey ku doorteen hogaanka, mar haddii uu xilkoodu dhamaadana way isku soo taageen jagada hadana cod buuxa ayaa lagu doortay, dad intaas gaadhayaana lama afduubi karro oo waa kuwii ka gadooday hadalkii yaraa ee sida kale ay u fahmeen ee wasiirka ganacsiga, dadkanina bulshada ayey ka yimaadeen aanu hoolka isugu keenay, lacagtii huteelku qaatayna wax cadaana ayey ahayde maxaa anaga noo geynaya cashuurta dadka, tu ka badan ayaanu haynaa oo haddii aad dadkii hayso lacagna waad haysaa, waxaan leeyahay Xisbiyada ha ku habsaamina, mar haddii aanu shacabkiina idinka kaxaysannay waxaasiba idiinma yaalaan oo waa nasiibkiin, waxaad ku fikirtaan sidii aad dadka badh noogala hadhi lahaydeen”

Jawaabtan ka soo baxday Guddoomiye Jaamac Shabeel ayaa ka dambaysay Eedo isasoo taraya  oo mucaaridka iyo Shacabka qaar ka mid ahiba Xisbiga kulmiye ugu jeedinayaan inuu shir-beeleed qabsaday, isla-markaana uu Hantidii umadda ku kharash gareeyey shirkiisa.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed