Maxa Laga Filayaa Gebo-gebada Maanta ee Shirweynaha Xisbiga Kulmiye?
Hargeysa:April,29,2014(SDN/QJ)-Shirweynaha Saddexad ee Xisbiga Talada Somaliland Haya ee Kulmiye, ayaa la filayaa inuu Maanta soo Gebogeboobo, iyadoo la filayo in qodob cadcad laga soo saari doono Gebagebadiisa.
Shirweynahan oo Maalintii shalay bilaabay ku talo-galkiisuna ahaa inuu laba Maalmood Socdo, ayaa la filayaa inuu Gelinka Dambe ee Maanta soo Xidhmi doono.
Waxa lagu wadaa in Hawlo badan oo xisbiga ka qabyo ah shirweynahan maanta lagu dhamaystiro, iyadoo lagu Hanweyn yahay in doorashooyin la sameeyo, halka laga filayo in Hoggaankii hore ee Xibiga mar kale muddo-kordhin loo sameeyo.
Waxyaabaha ugu waaweyn ee Xisbigu maanta Inuu qabto laga Filayo ayaa ah inuu dooran doono Guddoomiye, Afar ku-xigeen iyo iyo Xoghaya Guud ee Xisbiga, iyadoo shantuba noqon doonaan kuwan haatan ku fadhiya Kuraasidaas oo aanay cid cusubi soo kordhi doonin.
Sidoo kale waxa laga Filayaa Ergooyinka Goobta Fadhiya oo tiradoodu dhan tahay 1162-ka qof inay Doortaan Gole Dhexe oo Tiradoodu noqon doonto ilaa iyo 275-xubnood, kuwaas laga sii dhexdooran doono Golihii Fulinta ee Xisbigu yeelan lahaa Shanta sano ee Soo Socota.
Tallaabooyinkan iyo kuwo kale oo Badan ayaa maanta laga filayaa Xisbiga Kulmiye inay qaadaan Ergooyinka dhex fadhiya Shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye.
Ilaa iyo Haatan ma jiro wax xarako ama xiiso leh oo laga filan karo xisbiga dhexdiisa maadaama aanay jirin wax tartan ama loollan ah oo dhexyaalla xubnaha Xisbiga.
Shanta kursi ee Xisbiga ugu sarreeya ayaa iyagu meel iska sii yaalla mana jiraan cid la ogol yahay inay tartankaas galaan, waxana Xusid mudan in hore loo dhameeyey oo la qanciyey cidkasta oo shantaas kursi uu hunguri kaga jirey oo uu ugu dambeeyey Xasan Gaafaadhi oo shalayy Tanaasulay.
SDN/QJ-Hargeysa