Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye Iyo Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Oo Loo Faaruqiyey Fagaaraha Beerta Xoriyada iyo Madaxwayne Siraanyo oo socdaal la filayiyey inuu ku tago Gabilay la hakiyey.
Hargaysa Nov 21/12 (SDN) Xisbiga taladda haya ee Kulmiye ayaa soo khatimay wareega afaraad ee Ololihiisa Doorashadda Golaha Deegaanka oo uu maanta u lahaa, kaas oo Taageerayaasha Musharixiinta Xisbul xaakimka uga qayb-galaya Doorashadda Goleyaasha Deegaanka ee Todobaadka soo socda Dalka ka dhici-doonta ay iskugu soo baxeen Fagaaraha Beerta Xoriyadda si ay u muujiyeen Taageeradda ay u hayaan Musharixiintaasi.
Taageerayaashii iskugu soo baxay Fagaaraha Beerta Xoriyadda ee Magaladda Hargeysa ayaa markii ay Musharixiintu khudbaddaha u jeediyeen ay dhagaha u fureen si ay u dhagaystaan balan-qaadyadda ay Musharixiintaasi codkooda ku siinayaan, waxaana ay Musharixiintaasi balan-qaadeen inay daacanimo u gudan-doonaan haddii ay Codkooda siiyaan.
Masuuliyiinta Xukuumadda ee ka soo qayb -galay ololahaasi ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), Wasiirka Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) iyo Wasiirka Waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, halka ay Xisbul xaakimka Kulmiye-na ay goob-joog ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbigaasi Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf iyo Marwadda Madaxweynaha Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirdde (Aamina-waris) oo iyaddu-na qayb-ka ahayd ololahaasi Xisbul xaakimka Kulmiye.
Wasiiradda Kalluumaysiga iyo Waxbarashadda iyo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa markii ay khudbado u jeediyeen Taageerayaashii iskugu soo baxay Fagaaraha Beerta Xoriyadda ay ka dareereen, kuwaas oo u muuqdday kuwo aan niyadda u hayin Khudbadahaasi ay Maasuliyiinta Xisbul xaakimka iyo Wasiiraddu u jeediyeen.
Taageerayaashii maanta ka qayb-qaadaynayey ololaha Xisbiga Kulmiye ayaa u muuqdday kuwo Cududooda Taageero aad u yarayd waji gabaxna ku noqtay masuliyiintii halkaa isku timid .
Hargaysa Qurbojoog.com