Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer oo ka deyriyay cudurka Jadeecada ee gobolka ku fidaya
Burco April 30,2012(SDN)-Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer ayaa maanta si cad ugu dhawaaqday inay adag tahay sida loola tacaali karo xaaladda cudurka Jadeecada oo ku sii faafaya deegaanada gobolka togdheer.
Isu duwaha caafimaadka ee gobolka togdheer Dr Cabdi Yaasiin , masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xarunta caafimaadka ee gobolka togdheer iyo Saraakiil ka tirsan hay’adda “WHO” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Burco ayaa waxay tilmaameen in cudur jadeecada uu ku faafayo deegaamada gobolkaasi, iyagoo sheegay in xadiga dadka ee uu ku dhacay xanuunkaasi ay sii kordhayaan , isla markaana cusbitaalku aan qaadi karayn.
Isuduwaha caafimaadka ee gobolka togdheer Dr Cabdi yaasiin oo shirkaasi jaraa’id ugu horayn ka hadlay ayaa wuxuu cadeeyey in ilaa iyo hadda dadka uu ku dhacay xanuunkaasi ee soo gaadhay cusbitaalka Burco ay gaadhayaan 350 qof oo isugu jira caruur, dad waaweyn, haween iyo weliba dadka ay da’doodu dhaxdhaxaadka tahay.
Isuduwuhu waxaa kaloo uu sheegay in bishi labaad ee lasoo dhaafay uu cudurkani ka bilaabmay deegaamo ka mid ah gobolka saraar, haatana uu soo gaadhay deegaano ka mid ah gobolka tagdheer iyo xaafado ka mid ah magaalada burco gaar ahaan xaafadaha October iyo agagaarka sayladda.
Sidoo kale, agaasimaha cusbitaalka magaalada Burco Dr c/qaadir Muuse ayaa isna dhiniciisa ka sheegay in sida lagula tacaali karo xanuunkani ay tahay ka hortag balaadhan oo la sameeyo, waxaanu ugu baaqay xukuumadda Somaliland wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha ku shaqada leh caafimaadka inay gurmad ka qeystaan sidii loola tacaali lahaa loona xakamayn lahaa fiditaanka cudurka jadeecada.
Dr C/qaadir Muuse waxaa kaloo uu ka digay in haddii ay xaaladani sii socoto ay keeni karto dhimasho iyo mid ka adag halka uu maanta marayso.
SDN-Burco