|

Masuuliyiinta Ururrada NDB iyo JAMHUURIGA oo xabsiga laga sii daayay, maxay ka yidhaahdeen xadhigooda?

Hargeysa, 01, May 2012 (SDN)- Guddoomiyeyaasha  labada Urur NDB Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo JMHUURIGA Axmed Sandoon Xasan ayaa dib xorriyadoodii loogu soo celiyay ka dib markii saaka ciidamadda ammaanku xabsiga u taxaabeen, iyagoo iskuday mudaharaad ka samaynaya badhtamaha magaalada Hargeysa, waxaanay xasiga ku jireen labada masuul iyo xubno kale muddo ku siman 5 saacadood.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo xadhigeeda ka dib la hadashay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga waxay sheegtay in saaka ay isku dayeen inay si salmi ah u muujiyaan dareenkooda ku wajahan qaabkii ay guddida diiwaangelintu u reebtay, iyadoo xustay xilligii ay isku dayga samaynayeenba ay ka soo dul dageen ciidamadda amaanka caasimadda, isla markaana toban xubnood oo ay ka mid tahay xabsiga la dhigay. “Xeer No.14 oo lix qodob ahaa ayaa lana siiyay, waananu buuixinay,  $ 27000 waa lanaga qaaday, ka dibna anaga oo shuruudihii buuxinay ayay na yidhaahdeen waad dhacdeen, iyagoon waraaqo noo soo gudbin.” ayaa  ka mid ahaa hadalladii Guddoomiyaha Ururka NDB.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sidoo kale, sheegtay in masuuliyiinta iyo xubnaha qaarkood ay ciidamada ammaanku garaaceen.

Ururrada hore loogu dhawaaqay inay ku hadheen marxaladdo la mariyay ayaa ilaa maalintii guddida diiwaangelintu ku dhawaaqday natiijada iskudayay inay dareenkooda muujiyaan, taasoo aan marna u suurogelin, iyadoo markasta ay awood ku muquuninayeen ciidamadda amaanku.

SDN, Hargeisa

Comments are closed