|

Masuuliyiinta Sar Sare Ee Xisbiga Ucid Oo Maanta Laga Horjoogsaday Booqashada Gudoomiyii Garabka Haweenka Ee Xisbiga Iyo Askartii Saldhiga Oo Budhadh Iyo Qari-Dabadii Dadkii La Dhacay

jamaalHargeysa: 22,June,2014(SDN/QJ)-  Waxa Maanta laga Hor-joogsaday Masuuliyiinta Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee ucid,booqasho ay rabeen inay ugu tagaan Gudoomiyihii Grabaka Haweeenka ee heer Qaran ee Xisbiga Ucid oo mudooyinkii ugu danbeeyay ku xidhnayd Saldhiga Dhexe ee Magaaladda Hargaysa.

Mar aanu booqanay Saldhiga oo Wakhtigaasi ay ka taagnayd Xiisad Xoogan oo ka dhalatay Horjoogsashada Masuulinyiinta iyo Xidhitaanka Xog-hayahii Ciyaaraha ee XisbigaUcid oo ka mid haa Saraakiisha Booqashadaku Welinaysay Musharaxa Jagadda Madxatinimda ee Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka,ayaa mar kaliya waxa  Dadkii Goobta ku Sugnaa ku soo dhaqaaqay Ciidamadda Amaanka iyo Dhalinyaradu u Muuqday inay ASgarta Gacan saar lahaayeen oo si aan kala sooc lahayn dadkii ula dhacay Budhadh iyo Bakoorado,taas oo keentay Firxad Xoogan oo ay Dadkii Sameeyaan,iyada oo Saamayn ku yeelatay Isku Socodkii Dadweynaha ee Wadooyinka ka ag dhaw Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargaysa.

Goor danbe oo aanu Khadka Telafanka ku Helay Musharax Jagadda Mdaxatinada ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee Ucid,ayaa wax laga Xumaado ku Tilmaamay Siday Ula Dhaqmeen Askarta Saldhiga Dhexe Dadweynihii ku Sugnaa Saldhiga Hortiisa.

Waxaana uu intaas raaciyay in Hawl-galkaa lagu xidhay Maxamed Cali Muuse (Jiir) oo ahaa Xog-hayaha Sport-ga ee Xisbiga Ucid.

Jamaal Cali Xuseen,oo aanu weydiinay waxa sababay in sidaas loola dhaqmo Taageerayaasha Xisbiga,ayaa Sheegay in Askarta Saldhiga Joogtaa ay ku shaqaynayaan Amar uu sheegay in uu ka soo Fulay Madaxtooyada Somaliland,oo looga shakisan yahay inay ka danbaysay Xidhiga Loo Gaystay Gudoomiyaha Grabka Haweenka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid.

Intii aanu meesha ku sugnayn,ayaa waxay indhahaygu qabanayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Amaanka oo ay weheliyaan dad dhalin yaro ahi oo gabood falo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha kula kacaya dadkii goobta ku sugnaa.

Dhinaca Xukuumadda iyo Haay’adaha Amaanka ayaan ilaa hadda laga hayn sababta Rasmiga ah ee ay Haweenaydani ay Maalintii Sadaxaad ugu jirto Saldhiga Dhexe ee Magaaladda Hargaysa.

 

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed